Templates by BIGtheme NET

Author Archives: Admin

madaxweynaha somaliya Oo Lagu Amaanay Qorshaha Cusub Ee Sugida Amniga Muqdisho

Muqdisho ( Raascawad Media )-Qaar ka mid ah waxgaradka Soomaaliyeed oo la hadlay Warbaahinta ayaa ugu horreyn soo dhaweeyay tallabadii DFS ay dib ugu furtay Waddooyinka magaalada Muqdisho. Waxgaradkani ayaa ku amaanay Madaxweynaha JFS Mudane Maxamed C/laahi Maxamed Farmaajo tallabadaasi uu qaaday. Waxaana ay tilmaameen in sidoo kale ay soo dhaweynayaan qorshaha cusub oo ay dowalddu ku xaqiinjineyso amniga dhammaan ...

Read More »

Dowladda imaaraadka oo balanqaaday in somaliya ay ka taageereyso ammaanka

Doha(Raascawad Media)-Dowladda isu taga imaaraadka carabta ayaa sheegtay in ay ka go,antahay in sidii ay somaliya ugu caawin lahayd amaanka iyo deganaanshaha dalka,sida uu xaqiijiyey sarkaalk sare oo ka tirsan dalkaasi. Safiirka imaarad ee dalka Belgium Maxamed Ciisa Al Suwaidi ayaa xusay in imaaraadka uu doonayo in somaliya ay sameyso isbadalo ku aadan dhinaca siyaasada horumarka iyo ammaanka. Mr Suwaidi ...

Read More »

Qadar oo Beesha Caalamka ugu baaqday in si Wadajir ah loo taageero Soomaaliya

Brussels(Raascawad Media)-Dowladda Qatar ayaa dalalka beesha caalamka ugu baaqday in taageero wax ku ool ah la siiyo dowladda federaalka ah ee Somaliya Sultan bin Saad al-Muraikhi wasiirka arimaha dibadda ee dalka Qatar ayaa dalalka caalamaka ka dalbaday in somaliya laga gacan siiyo dhinacyada ammaanka,dhaqaalaha iyo arimaha bulshada Dowladda Qatar ayaa dhinaceeda balanqaaday in dowladda federaalka ah ee somaliya ay ka ...

Read More »

Maxkamad ku taala mareykanka oo xukuno ku riday haween Somali ah oo lagu eedeeyay alshabaabnimo

Washington(Raascawad Media)-Maxkamad ku taala dalka mareykanka ayaa xukuno kala duwan ku riday labo haween Somali ah oo lagu eedeeyay in alshabaab ay u uruuriyeen lacago kumanaan dollar ah Haweenkaasi magacyadooda lagu sheegay Muna Cismaan Jaamac oo degan gobalka Virginia iyo Hinda Cismaan Dhiirane oo degan deegaanka kent oo ka tirsan Washington ayaa lagu riday 12 sanno iyo 11 sanno oo ...

Read More »

Qaramada oo dowladda somaliya ku ammaantay horumarka ay ka sameysay dhinaca siyaasada

Brussels(Raascawad Media)-Qaramada ayaa dowladda federaalka ah ee Soomaaliya si weyn ugu bogaadisay horumarada ay ka sameysay dhinacyada siyaasada,ammaanka,dhaqaalaha iyo arimaha bani,aadinimada. Sarkaal sare oo ka tirsan qaramada midoobay kana qayb shirka Brussels oo looga hadlayo arimaha somaliya ay ku baaqday in dalalka beesha caalamka ay sare u qaadaan taageerada ay siiyaan somaliya. Ku xigeenka xoghayaha guud ee qaramada midoobay dhinaca ...

Read More »

Dowladda ingiriiska dowladda somaliya ka taageeraysa xoojinta amniga dalka

Muqidsho(Raascawad Media)-Dowladda ingiriiska ayaa somaliya u balan qaaday in ay si weyn ugu taageeri doonto dhinaca ammaanka dalka oo weli ka jiraan colaado iyo dagaalo isbarbar socda. Safiirka dowladda ingiriiska u fadhiya somaliya David concar ayaa xusay in dowladdiisa ay somaliya ka caawineyso qorshaha ku meel gaarka ah oo ciidamada somaliya ay ku wareegayaan amniga dalka. Mr david ayaa xusay ...

Read More »

Qaramada midoobay oo muhiriin Somali ah ka soo celisay dalka yemen

Muqdisho(Raascawad Media)-Hay,adda socdaalka qaramada ee IOM ayaa sheegtay in dhawaan ay dalka yemen ka soo celisay boqolaal muhaajiriin ah oo isagu jira Itoobiyaan iyo Somaliya kuwaasoo ay saameyn ku yeesheen dagaalada ka socda yemen Joel Milman oo ah afhayeen u hadlay hay,adda muhaajiriinta qaramada midoobay ee IOM ayaa xusay in muhaajiriintaasi  ay ku  ku go,doonsanaayeen gudaha dalka yemen. Mr Milman ...

Read More »

Uganda oo ka cabsi qabto in alshabaab ay weeraro ka fuliyaan magaalada kambaala

Kambala(Raascawad Media)-Dowladda Uganda ayaa ciidamo badan oo isagu jiray malateri iyo booliis dhigtay magaalada kambala ee xarunta dalkaasi,iyadoo ka cabsi qabta weeraro qaraxyo ah oo xarakada alshabaab ay halkaasi ku qaadaan. Afhayeen u hadlay booliiska dalka Uganda ayaa sheegay in sannadkii 2010 ciyaartii kama dambeysta ahayd ee koobka adduunka weerar qaraxyo ah oo ka dhacay kambala ay ku dhinteen 76 ...

Read More »

Degdeg:qaraxyo xoogan oo ka dhacay agagaarka xarunta madaxtooyada ee Muqdisho

Muqdisho(Raascawad Media)-Labo qarax oo loo adeegsaday gawaari laga soo buuxiyey walxaha qarxa ayaa goor ka dhacay agagaar taalada SYL ee magaalada Muqdisho oo ku dhaw xarunta madaxtooyada ee Villa Somalia. Qaraxyadaasi kadib ayaa waxaa halkaasi ka dhacday rasaas xoogan oo furayeen ciidamada dowladda ee ku sugan halkaasi sida ay xaqiijiyeen goobjoogayaal ka agdhaw halka ay qaraxyada ka dhaceen. Ilaa iyo ...

Read More »

Norway oo aqoonsatay Baasaboorka Soomaaliya

Nairobi(Raascawad Media)-Munaasbad lagu qabtay magaallada Nairobi oo ay ka qeyb galeen Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya danjire Axmed Ciise Cawad iyo Agaasimaha Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda ayuu ku sheegay safiirka Norway u fadhiya Kenya danjire Victor C. Rønneberg in hal sano oo ay wada-shaqeynayeen dowladda Somaaliya kaddib ay ku qanceen hannaanka lagu bixiyo baasaboorka iyo tayadiisa. “Horay waxaan u aqoonsannayn baasaboorka ...

Read More »

ăn dặm kiểu NhậtResponsive WordPress Themenhà cấp 4 nông thônthời trang trẻ emgiày cao gótshop giày nữdownload wordpress pluginsmẫu biệt thự đẹpepichouseáo sơ mi nữhouse beautiful