Templates by BIGtheme NET

AMISOM oo ciidamo booliis ah u qoreysa maamulka Hirshabelle

Muqdisho(Raascawad Media)-Howl galka nabad ilaalinta midowga afrika ee AMISOM ayaa sheegay in ay wadaan qorshe ay maamulka Hirshabelle ugu qorayaan ilaa iyo 800 askari oo booliis ah

AMISOM ayaa sheegtay in qoritaanka ciidamadaasi ay maamulka Hirshabelle ka bilaabi doonaan bisha November ee sannadkan

Madaxa booliiska howl galka AMISOM ee Somalia Christine Alalo  ayaa xustay horaanta bisha November in ay qori doonaan 200 oo booliis ah oo ka tirsan maamulka Hirshabelle.

Alalo ayaa intaasi ku dartay in ciidamadaasi ay siin doonaan tababaro fiican kadibna la geyn doono wadooyinka waaweyn ee gobalada Hiiraan iyo shabeelada dhexe si ay u ay u xaqiijiyaan sugida amniga

Simon Molungo ku xigeenka madaxa howl galka AMISOM ee somaliya ayaa sheegay in Midowga Afrika ay ka go,antahay taageerada dowladda somaliya iyo dowladda goboleedyad dalka

Waxaana uu dalalka beesha caalamka ugu baaqay in xoojiyaan taageerada la siiyo somaliya si dib loogu soo celiyo ammaanka iyo deganaanshaha dalka oo mudo ay ka jireen colaado iyo dagaalo sokeeye

Booliiska howl galka AMISOM ayaa wada tababarada ay siiyaan ciidamada booliiska dowladda somaliya iyo waliba kuwa maamul goboleedyada dalka

 

 

1,458 total views, 36 views today

Total Views: 1458 ,

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

ăn dặm kiểu NhậtResponsive WordPress Themenhà cấp 4 nông thônthời trang trẻ emgiày cao gótshop giày nữdownload wordpress pluginsmẫu biệt thự đẹpepichouseáo sơ mi nữhouse beautiful