Templates by BIGtheme NET

Ingiriiska oo ciidamo gaar ah u tababaraya howl galka amisom ee Somaliya

Kambala(Raascawad Media-Ciidamo ka tirsan malateriga dalka Uganda ayaa dhawaan waxaa u bilowday tababaro gaar ah kuwaa oo la sheegay in ay qayb ka noqon doonaan howl galka nabad ilaalinta midowga afrika ee AMISOM.

Tababarkaasi ayaa waxaa ciidamada dalka Uganda uu  ugu bilowday dugsi tababar oo ku yaala deegaanka Entebbe oo magaalada kambala qiyaastii u jira 30 km

Brigadier Michael Nyarwa oo ka tirsan saraakiisha malateriga ee dalka Uganda sheegay in tababarkaasi ay bixineyaan macaliin ka socda dalka ingiriiska

Waxaana dowladda ingiriiska uu ku ammaanay doorka ay ka qaataan tababarada ciidamada dalka Uganda oo qaarkood qayb ka ah howl galada midowga afrika iyo qaramada midoobay.

Col Demsy oo ah madaxa tababarayaasha ka socda dalka ingiriiska ayaa dhinaciisu dowladda Uganda ku bogaadiyey doorka ay ciidamadooda ka qaateen howl galka AMISOM ee Somaliya.

Waxaana uu ugu baaqay in ciidamada ku jira tababarkan gaarka ah ay xoojiyaan awoodooda si ay sare ugu qaadaan tababarka oo ah mid wax weyn ka badalaya ciidamada dalka Uganda

Afhayeenka ciidamada malateriga ee dalka Uganda Brigadier Richard Karemire ayaa xusay in waxyaabaha la bari doono ciidamadaasi ay ka mid yihiin xuquuqda aadanaha,dhaqanka somalida iyo shuruucda caalamiga ah ee baddaha.

 

88 total views, 1 views today

Total Views: 88 ,

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

ăn dặm kiểu NhậtResponsive WordPress Themenhà cấp 4 nông thônthời trang trẻ emgiày cao gótshop giày nữdownload wordpress pluginsmẫu biệt thự đẹpepichouseáo sơ mi nữhouse beautiful