Templates by BIGtheme NET

Qaramada midoobay oo sheegtay in AMISOM ay ka taageryso la dagaalanka alshabaab

Muqdisho(Raascawad Media)-Howl galka qaramada midoobay ee somaliya ee UNSOM ayaa sheegay in ay dardar gelinayaan taageerada ciidamada nabad ilaalinta midowlga afrika ee ku aadan la dagaalanka alshabaab.

Madaxa xafiiska taageerada qaramada midoobay ee somaliya ee UNSOS Amadu Kamara ayaa xusay in xafiiska uu howl galka AMISOM ka gacansiinayo caawinada dagaalka lagula jiro alshabaab.

Waxaana uu hay,addaha qaramada midoobay ka dalbaday in xoojiyaan wax walba oo suura gelin kara dagaalka ka dhanka ah xarakada alshabaab oo gacanta ku hayo deegaano badan oo ku yaala koofurta iyo bartamaha somaliya.

How galka AMISOM somaliya ayaa dhawaan iyaga iyo ciidamada dowladda federaalka ah ee somaliya ay qaadayaan duulaan xoogan oo ku wajahan alshabaab.

Ku xigeenka madaxa howl galka AMISOM ee somaliya Simon Mulongo ayaa hoosta ka xariiqay in ka hor ka bixitaankooda somaliya ay doonayaan in ay horumaro ka sameeyaan dagaalka alshabaab.

Waxaana uu intaasi ku daray in ay doonayaan in ciidamada dowladda federaalka ah ee somaliya ay ku wareejiyaan mas,uuliyadda ammaanka dalka.

 

315 total views, 18 views today

Total Views: 315 ,

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

ăn dặm kiểu NhậtResponsive WordPress Themenhà cấp 4 nông thônthời trang trẻ emgiày cao gótshop giày nữdownload wordpress pluginsmẫu biệt thự đẹpepichouseáo sơ mi nữhouse beautiful