Templates by BIGtheme NET

Alshabaab oo dad shacab ah ku dilay gudaha kenya

Garissa(Raascawad Media)-Dagaalyahano ka tirsan xarakada alshabaab ayaa labo ruux oo rayid ah ku dilay deegaan ku dhaw magaalada Garissa sida ay xaqiijiyeen saraakiil ka tirsan dowladda.

Xiriiriyaha gobalka waqooyi bari Maxamed Birik ayaa sheegay in falka lagu dilay labadaasi ruux uu ka dhacay deegaanka Handaro oo ka tirsan magaalada Garissa.

Mr Maxamed ayaa xusay in ciidamada ammaanka ee dalka kenya ay wadaan howl galo balaaran oo la doonayo in lagu soo qabto raggii ka dambeeyay dilka labada ruux ee rayidka ah.

Goobjoogayaal ayaa xaqiijiyey in todobo dagaalyahan oo ka tirsan alshabaab in dadka ay dileen ay kala dageen gaari bas oo ku sii jeeday magaalada Garissa ee gobalka waqooyi bari.

Labadaasi ayaa la sheegay in aysan muslim ahayn waxaana ay ku toogteen isla goobta ay ku joojiyeen gaariga baska ah.

Weerarkaasi ayaa imanaya xilli dhawaan dowladda kenya ay sheegtay in ciidamo booliis ah la geynayo ilaa iyo lixdan goobaad oo ku dherersan xadka ay wadaagaan kenya iyo somaliya si looga hortago weerarada alshabaab ee ay ka gaystaan gudaha kenya

Alshabaab ayaa waxaa bilihii la soo dhaafay ay weeraro isagu jira qaraxyo loo adeegsaday miinooyin dhulka lagu aaso iyo baasukayaal waxaa ka fuliyeen deegaano ka tirsan Garissa,Wajir iyo Mandera ee gobalka waqooyi bari

 

333 total views, 9 views today

Total Views: 333 ,

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

ăn dặm kiểu NhậtResponsive WordPress Themenhà cấp 4 nông thônthời trang trẻ emgiày cao gótshop giày nữdownload wordpress pluginsmẫu biệt thự đẹpepichouseáo sơ mi nữhouse beautiful