Templates by BIGtheme NET

Qaramada iyo midowga afrika oo tababaro dheeraad ah siiyey ciidamo ka tirsan AMISOM

Muqdisho(Raascawad Media)-Howl galka nabad ilaalinta midowga afrika ee Soomaaliya ayaa sheegay in soo gaba gabeeyeen tabbaro gaar ah oo la siiyey ciidamo ka tirsan kuwa AMISOM ee ka howl gala Soomaaliya.

Taliyaha ciidamada AMISOM General Jim Beesigye oo ka qayb galay tababarada loo xiray ciidamadaasi ayaa sheegay in la siiyey tababaro la xiriira dhinaca caafimaadka.

Mr Beesigye ayaa xusay in tababarkaasi oo ay ka qayb galeen 32 askari uu muhiim uyahay ciidamada AMISOM maadaama ay dagaalo xoogan kula jiraan xarakada alshabaab.

Taliyaha ayaa xusay in askarta ka faa,iideystay tababarkaasi ay xilligan awood u leeyihiin in ay iyaga isdaweyn karaan marka ay la kulmaan dhaawacyo.

Ciidamada ka qayb galay tababarkaasi ayaa la sheegay in ay sidoo kale tababaro siin doonaan ciidamada dowladda federaalka ah ee somaliya.

Tababarkaasi caafimaad oo socday mudo labo maalmood ah ayaa waxaa iska kaashaday AMISOM iyo howl galka qaramada midoobay ee Somaliya ee UNSOM

 

 

117 total views, 9 views today

Total Views: 117 ,

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

ăn dặm kiểu NhậtResponsive WordPress Themenhà cấp 4 nông thônthời trang trẻ emgiày cao gótshop giày nữdownload wordpress pluginsmẫu biệt thự đẹpepichouseáo sơ mi nữhouse beautiful