Muqdisho ( Raascawad Media )-Qaar ka mid ah waxgaradka Soomaaliyeed oo la hadlay Warbaahinta ayaa ugu horreyn soo dhaweeyay tallabadii DFS ay dib ugu furtay Waddooyinka magaalada Muqdisho.

Waxgaradkani ayaa ku amaanay Madaxweynaha JFS Mudane Maxamed C/laahi Maxamed Farmaajo tallabadaasi uu qaaday.

Waxaana ay tilmaameen in sidoo kale ay soo dhaweynayaan qorshaha cusub oo ay dowalddu ku xaqiinjineyso amniga dhammaan degmooyinka G/ Banaadir iyo go’aanka xerooyinkooda loogu celiyay Ciidamada Xasilinta Caasimadda.

Sidoo kale waxgaradkan ayaa ka hadlay is bedalka dhawaan lagu sameeyay qaar ka mid ah saraakiisha sar sare ee Ciidamada Nabad Sugida Soomaaliyeed, iyaga oo ku baaqay in dib loogu celiyo shaqadiisa taliye ku xigeenkii NISA.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/laahi Farmaajo ayaa in dhawaanahan waday qorsheyaal uu ku dardar galinayo nabad galyada magaalada Muqdisho.