Templates by BIGtheme NET

Qadar oo Beesha Caalamka ugu baaqday in si Wadajir ah loo taageero Soomaaliya

Brussels(Raascawad Media)-Dowladda Qatar ayaa dalalka beesha caalamka ugu baaqday in taageero wax ku ool ah la siiyo dowladda federaalka ah ee Somaliya

Sultan bin Saad al-Muraikhi wasiirka arimaha dibadda ee dalka Qatar ayaa dalalka caalamaka ka dalbaday in somaliya laga gacan siiyo dhinacyada ammaanka,dhaqaalaha iyo arimaha bulshada

Dowladda Qatar ayaa dhinaceeda balanqaaday in dowladda federaalka ah ee somaliya ay ka taageerayso dhinaca la dagaalanka xarakada alshabaab dagaal xoogan kula jira dowladda somaliya

Wasiirka arimaha dibadda Qatar ayaa hoosta ka xariiqay in weli somaliya ay fara gelin ku hayaan dalal dibadda ah oo doonayo in dhibaato iyo kala qayb ay ka abuuraan somaliya

Mr. Sultan bin Saad al-Muraikhi,ayaa adkeeyay muhiimadda ay leedahay in la kordhiyo taageerada Ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM si meesha looga saaro kooxaha xagjirka ah ee xiriirka la leh Al-Qaa’ida.

Wasiirka ayaa xusay in Qadar markasta ay u taagan tahay iney Dowladda ka taageerto arrimahaasi iyo goobaha kale ay saameynta ku yeelato,isagoona beesha caalamka ka dalbaday in si wadajir ah looga garab istaago Somaaliya,Nabad galyada,Horumarka iyo Xuquuqda aadanaha.

 

63 total views, 1 views today

Total Views: 63 ,

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

ăn dặm kiểu NhậtResponsive WordPress Themenhà cấp 4 nông thônthời trang trẻ emgiày cao gótshop giày nữdownload wordpress pluginsmẫu biệt thự đẹpepichouseáo sơ mi nữhouse beautiful