Templates by BIGtheme NET

Dowladda imaaraadka oo balanqaaday in somaliya ay ka taageereyso ammaanka

Doha(Raascawad Media)-Dowladda isu taga imaaraadka carabta ayaa sheegtay in ay ka go,antahay in sidii ay somaliya ugu caawin lahayd amaanka iyo deganaanshaha dalka,sida uu xaqiijiyey sarkaalk sare oo ka tirsan dalkaasi.

Safiirka imaarad ee dalka Belgium Maxamed Ciisa Al Suwaidi ayaa xusay in imaaraadka uu doonayo in somaliya ay sameyso isbadalo ku aadan dhinaca siyaasada horumarka iyo ammaanka.

Mr Suwaidi oo ka qayb galayey shirkii lagu soo geba gabeeyay magaalada Brussels ee looga hadlayey arimaha somaliya ayaa sheegay in imaaraadka uu xoojinayo taageerada uu siiyo shacabka iyo dowladda federalka ah ee Soomaaliya.

Safiirka ayaa xusay in dowladda isu taga imaaradka carabta ay hore somaliya ugu caawisay dhinaca dhinaca tababarada ciidamada ammaanka iyo arimaha gargaarka bani,aadinimo.

Waxaana uu intaasi ku daray ay sii wadi doonaan taageerada joogtada ah ee siiyaan dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya oo horumaro la taaban ka sameysay dhinacyada ammaanka iyo siyaasada dalka.

Bilihii la soo dhaafay ayaa waxaa xumaaday xiriirka dowladda federaalka ah ee Soomaaliya iyo dowladda isu taga imaaraarka carabta taasoo ka dhalatay heshiiska imaaradka iyo maamulka Somaliland ee ku aadan shirkada DP world

 

450 total views, 9 views today

Total Views: 450 ,

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

ăn dặm kiểu NhậtResponsive WordPress Themenhà cấp 4 nông thônthời trang trẻ emgiày cao gótshop giày nữdownload wordpress pluginsmẫu biệt thự đẹpepichouseáo sơ mi nữhouse beautiful