Templates by BIGtheme NET

Qaramada oo dowladda somaliya ku ammaantay horumarka ay ka sameysay dhinaca siyaasada

Brussels(Raascawad Media)-Qaramada ayaa dowladda federaalka ah ee Soomaaliya si weyn ugu bogaadisay horumarada ay ka sameysay dhinacyada siyaasada,ammaanka,dhaqaalaha iyo arimaha bani,aadinimada.

Sarkaal sare oo ka tirsan qaramada midoobay kana qayb shirka Brussels oo looga hadlayo arimaha somaliya ay ku baaqday in dalalka beesha caalamka ay sare u qaadaan taageerada ay siiyaan somaliya.

Ku xigeenka xoghayaha guud ee qaramada midoobay dhinaca siyaasada Rosemary Dicarlo ayaa dowladda ku ammaanta talaabooyinka iyo horumarada ay ka sameysay arimaha siyaasada dalka.

Dicarlo ayaa xustay in dowladda Soomaaliya ay sameysay qorshe ay ugu diyaargaroobeyso doorashada qofkii iyo codkii ee lagu wada in dalka ay ka dhacdo sannadkaha 2020 ilaa 2021

“arinta waxaa ay Soomaaliya ka caawineysaa deganaansho siyaasadeed iyo horumar ay gaartay somaliya”sidaasi waxaa yiri madaxa siyaasada qaramada Rosemary Dicarlo

Magaalada Brussels ee xarunta midowga yurub ayaa waxaa ka soconaya shir looga hadlayo arimaha somaliya kaasoo ay ka qayb galayaan madaxda ugu sareysa dowladda somaliya iyo qaar ka mid ah dalalka daneeya arimaha somaliya

 

160 total views, 1 views today

Total Views: 160 ,

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

ăn dặm kiểu NhậtResponsive WordPress Themenhà cấp 4 nông thônthời trang trẻ emgiày cao gótshop giày nữdownload wordpress pluginsmẫu biệt thự đẹpepichouseáo sơ mi nữhouse beautiful