Templates by BIGtheme NET

Maxkamad ku taala mareykanka oo xukuno ku riday haween Somali ah oo lagu eedeeyay alshabaabnimo

Washington(Raascawad Media)-Maxkamad ku taala dalka mareykanka ayaa xukuno kala duwan ku riday labo haween Somali ah oo lagu eedeeyay in alshabaab ay u uruuriyeen lacago kumanaan dollar ah

Haweenkaasi magacyadooda lagu sheegay Muna Cismaan Jaamac oo degan gobalka Virginia iyo Hinda Cismaan Dhiirane oo degan deegaanka kent oo ka tirsan Washington ayaa lagu riday 12 sanno iyo 11 sanno oo xabsi ah

Racfaan ay ka qaateen maxkamada haweenkaasi somalida ah ayaa waxaa ay go,aan qaldan ku tilmaameen xukunada xabsiga ah ee lagu riday

Saraakiil ka tirsan booliiska dalka mareykanka ayaa sheegay in mudo dheer haweenkaasi lagu hayey baaritaano,iyadoo markii dambe la soo ogaaday in alshabaab ay u diri jireen lacago badan.

Muwaadiniin Somali ah oo u badan dhalanyaro Somali ah ayaa hore xukuno kala duwan oo xabsi loogu riday gudaha dalka mareykanka kuwaasoo lagu eedeeyay in ay ka tirsanaayeen xarakada alshabaab ee ka dagaalanta somaliya

 

360 total views, 9 views today

Total Views: 369 ,

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

ăn dặm kiểu NhậtResponsive WordPress Themenhà cấp 4 nông thônthời trang trẻ emgiày cao gótshop giày nữdownload wordpress pluginsmẫu biệt thự đẹpepichouseáo sơ mi nữhouse beautiful