Templates by BIGtheme NET

Uganda oo ka cabsi qabto in alshabaab ay weeraro ka fuliyaan magaalada kambaala

Kambala(Raascawad Media)-Dowladda Uganda ayaa ciidamo badan oo isagu jiray malateri iyo booliis dhigtay magaalada kambala ee xarunta dalkaasi,iyadoo ka cabsi qabta weeraro qaraxyo ah oo xarakada alshabaab ay halkaasi ku qaadaan.

Afhayeen u hadlay booliiska dalka Uganda ayaa sheegay in sannadkii 2010 ciyaartii kama dambeysta ahayd ee koobka adduunka weerar qaraxyo ah oo ka dhacay kambala ay ku dhinteen 76 ruux kuwo kalena ay ku dhaawacmeen,kuwaasoo daawaneyey ciyaarahaasi

Wuuxuuna intaasi ku daray in maanta oo ay dhaceyso ciyaarta kama dambeystay ee koobka adduunka ee ka socda dalka ruushka.

Patrick Onyango oo ka tirsan saraakiisha booliiska ee dalka Uganda oo u waramayey wakaalada wararka ee Xinhua ayaa xusay in booliiska la dagaalama argagixisada iyo ciidamada malateriga ay roondooyin ku sameyanayaan gudaha magaalada kambala

“waxaana gudaha magaalada kambala gaynay ciidamo dheeraad si ay ugu hortagaan weerar qaraxyo ah oo dhici kara,sidoo kale waaan kordhinay dhinaca sirdoonka”sidaasi waxaa yiri mr Patrick Onyango.

11 July ee sannadkii 2010  oo dhaceysay ciyaartii kama dambeysta ahayd ee koobka adduunka ayaa waxaa alshabaab ay qarax xoogan ku weerareen maqaayad ku taala bartamaha kambala halkaasoo ay ku geeriyoodeen ku dhawaad 80 ruux

 

324 total views, 9 views today

Total Views: 324 ,

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

ăn dặm kiểu NhậtResponsive WordPress Themenhà cấp 4 nông thônthời trang trẻ emgiày cao gótshop giày nữdownload wordpress pluginsmẫu biệt thự đẹpepichouseáo sơ mi nữhouse beautiful