Templates by BIGtheme NET

Qaramada midoobay oo muhiriin Somali ah ka soo celisay dalka yemen

Muqdisho(Raascawad Media)-Hay,adda socdaalka qaramada ee IOM ayaa sheegtay in dhawaan ay dalka yemen ka soo celisay boqolaal muhaajiriin ah oo isagu jira Itoobiyaan iyo Somaliya kuwaasoo ay saameyn ku yeesheen dagaalada ka socda yemen

Joel Milman oo ah afhayeen u hadlay hay,adda muhaajiriinta qaramada midoobay ee IOM ayaa xusay in muhaajiriintaasi  ay ku  ku go,doonsanaayeen gudaha dalka yemen.

Mr Milman ayaa sheegay in dhawaan ay magaalada xudeyda ee dalka yemen ka soo celiyeen 480 ruux oo u dhashay dalka Itoobiya iyo 1,200 oo qaxooti Somali ah kuwaasoo laga soo qaaday dekadda magaalada Cadan.

Qaramada midoobay ayaa sheegtay in ay sii xumaaneyso xaalada ammaanka ee dalka yemen oo ay weli ka socdaan dagaal xoogan oo si weyn u sameeyay muhaajiriin u badan Somali oo ku sugan dalkaasi

Hay,adda muhaajiriinta qaramada midoobay ee IOM ayaa hoosta xariiqday in ay sii wadi doonto howl galada ay dalalkooda dib ugu celineyso dadka qaxootiga ah ee ka soo kala jeeda dalalka Itoobiya iyo Soomaaliya.

Laanta qaxootiga qaramada midoobay ee UNHCR ayaa sannadihii la soo dhaafay kumanaan muhaajiriin Somali ah dib ugu soo celisay dalkooda kadib markii ay sii xoogeysteen dagaalada xoogan ee ka socda dalka yemen

 

 

666 total views, 9 views today

Total Views: 666 ,

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

ăn dặm kiểu NhậtResponsive WordPress Themenhà cấp 4 nông thônthời trang trẻ emgiày cao gótshop giày nữdownload wordpress pluginsmẫu biệt thự đẹpepichouseáo sơ mi nữhouse beautiful