Templates by BIGtheme NET

Norway oo aqoonsatay Baasaboorka Soomaaliya

Nairobi(Raascawad Media)-Munaasbad lagu qabtay magaallada Nairobi oo ay ka qeyb galeen Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya danjire Axmed Ciise Cawad iyo Agaasimaha Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda ayuu ku sheegay safiirka Norway u fadhiya Kenya danjire Victor C. Rønneberg in hal sano oo ay wada-shaqeynayeen dowladda Somaaliya kaddib ay ku qanceen hannaanka lagu bixiyo baasaboorka iyo tayadiisa.

“Horay waxaan u aqoonsannayn baasaboorka Diplomaasiga ah ee  Soomaaliya, Norway waxa ay sidoo kale aqoonsanaysaa baasaboorka caadiga ah iyo kan shaqo ee ay soo saarto Agaasinka Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya. Go’aankani waxa uu dhaqan galayaa bish Agoosto kowdeeda” ayuu yiri danjire Rønneberg.

“Waxaana ku biiraynaa dalalka Midowga Yurub ee aqoonsan baasaboorka Soomaaliya. Inta la ogyahay waxaa ka mid ah dalalka France, Talyaaniga, Poland, Slovenia, Lithuania, Portugal, Malta Estonia. Ugu dambayn aan caddeeyo in go’aanka ay Norway ku aqoonsatay baasaboorka Soomaaliya uusan wax ka beddelaynin shuruudaha  dal ku galka Norway.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya danjire Axmed Ciise Cawad ayaa munaasabaddan ka qeyb galay ayaa sheegay in dadaal dheer oo ay sammeysay dowladda Soomaaliya iyo shaqo adag oo ay qabatay Agaasinka Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya ay keentay in dowladda Norway ay aqoonsato baasaboorka. Isaga oo si gaar ah u bogaadiyay safaaradda Soomaaliya ee Kenya oo sidoo kale kaalin mug leh ka qaadatay arrintaan.

“Waa maalin taariikhi ah, Norway sanadkii 2012 ayay aqoonsatay baasaboorka diblomaasiga ah, maantana waxa ay aqoonsatay dhammaan noocyada kale sida kan shacabka iyo midka shaqaalaha, dadaal ay bixisay dowladda gaar ahaan hay’adda socdaalka iyo jinsiyadda oo uu hoggaaminayo AGaasime Koofi ayaa lagu gaaray” ayuu yiri Wasiir Cawad.

Wasiirka Amniga Qaranka mudane Maxamed Abuukar Isloow oo munaasabadda ka qeyb galay ayaa u mahad celiyay dowladda Norway, isaga oo tilmaamay in aqoonsiga ka sokoow ay dowladda Norway dowlado kale la wadaagayso xogta ku saabsan baasaboorka Soomaaliya si ay u aqoonsadaan.

Dowladda Soomaaliya ayaa sanadkii 2007-dii billowday daabacaadda baasaboor elektronig ah, kaas oo lagu beddelay baasaboorkii hore oo laga heli jiray suuqa. Wixii ka dambeeyay waqtigaas waxaa la sii adkaynayay hannaanka lagu bixiyo baasaboorka ayada oo sidoo kale ay sii badanayeen dowladaha aqoonsanaya ama oggolaanaya in ay dal ku-gal saaraan.

65 total views, 1 views today

Total Views: 65 ,

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

ăn dặm kiểu NhậtResponsive WordPress Themenhà cấp 4 nông thônthời trang trẻ emgiày cao gótshop giày nữdownload wordpress pluginsmẫu biệt thự đẹpepichouseáo sơ mi nữhouse beautiful