Templates by BIGtheme NET

Al Shabaab Oo Weerar loo adeegsaday bam gacmeed Ka Fuliyay Baydhabo

Baydhabo(Raascawad Media)-Dagaalyahanada ka tirsan xarakada alshabaab ayaa xalay weerar loo adeegsaday babaanada gacanta laga tuuro ku qaaday gudaha magalada Baydhabo ee xarunta gobalka Bay

Weerarkaasi ayaa  lagu qaaday Guri uu magaaladaasi ka daganaa taliyaha Ciidanka Booliska deegaanka Deynuunaay ee gobolka Baay.

Ilo wareedyo lagu kalsoonaan karo sheegay in xilliga weerarka uu dhacayay ay ku sugnaayeen taliyaha la weeraray Gurigiisa isaga iyo saraakiil kale oo ka tirsan maamulka K/ Galbeed Soomaaliya.

Inta la xaqiijiyay illaa 3 askari ayaa ku dhimatay weerarkaasi, halka ay ku dhaawacmeen 4 kale oo uu ku jiro taliyaha deegaanka Deynuunaay ee gobolkaasi.

Al Shabaab oo ka hadlay weerarkan ayaa dusha u ritay masuuliyaddiisa, sida ay ku baahiyeen barahooda internetka.

Xaaladda ayaa saakay dagan, iyadoona Ciidamada maamulka K/Galbeed howlgallo xoogan ay ka wadaan gudaha M/ Baydhabo ee xarunta gobolka Baay.

16 total views, 1 views today

Total Views: 16 ,

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

ăn dặm kiểu NhậtResponsive WordPress Themenhà cấp 4 nông thônthời trang trẻ emgiày cao gótshop giày nữdownload wordpress pluginsmẫu biệt thự đẹpepichouseáo sơ mi nữhouse beautiful