Templates by BIGtheme NET

Mareykanka oo dhimaya dhaqaalaha uu ku bixiyo la dagaalanka argagixisada ee Afrika

Washington(Raascawad Media)-Dowladda mareykanka ayaa shaaca ka qaaday in ay yareeneyso gargaarka malateri ee ay ku bixiso la dagaalanka ururada ay ku sheegtay in ay ka tirsan yihiin aargagixisada ee qaarada afrika.

Sarkaal ka tirsan wasaarada difaaca ee dalka mareykanka ayaa xusay in gebi ahaan aysan joojin doonin dagaalka ka dhanka xarakada alshabaab iyo boko xaram oo ka dagaalama dalka Nigeria iyo somaliya.

Warka ka soo baxaya dowladda mareykanka ayaa ku soo beegmaya xilli ururadaasi ay khatar weyn ku hayaan ammaanka dalal badan oo ku yaala qaarada afrika.

mareykanka ayaa ilaa iyo sannadkii 2017 lix askari oo ka tirsan ciidamadiisa gargaarka ah looga dilay dalalka Nigeria iyo Somaliya xilli ay ku jireen howl galo ka dhan Alshabaab iyo Boko xaram.

Dhaqaalaha uu mareykanka ku bixiyo la dagaalanka dhinaca wax uu ugu yeeray argagixisada ee dalalka ka hoose saxaraha ee qaarada afrika ayaa sare loo qaaday iyadoo gaartay 954 milyan oo dollar

Mareykanka ayaa waxaa qaarada afrika ka jooga jooga 7,000 oo askari oo qaar ka mid ah ay ku sugan yihiin gudaha somaliya halkaasoo ay ka fuliyaan howl galo ka dhan alshabaab.

Sarkaal ka tirsan pentagonka mareykanka ayaa wargeyska new yorka times hore ugu sheegay in 50 boqolkiiba ay dhimi doonaan howl galada dhinaca la dagaalanka argagixisada ee Afrika

 

 

88 total views, 1 views today

Total Views: 88 ,

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

ăn dặm kiểu NhậtResponsive WordPress Themenhà cấp 4 nông thônthời trang trẻ emgiày cao gótshop giày nữdownload wordpress pluginsmẫu biệt thự đẹpepichouseáo sơ mi nữhouse beautiful