Templates by BIGtheme NET

Turkiga iyo qaramada midoobay oo cambaareeyay qaraxyadii shalay ka dhacay Muqdisho

Muqdisho(Raascawad Media)-Dowladda turkiga iyo xafiiska qaramada midoobay ee somaliya ee UNSOM ayaa si kulul u cambaareeyay weeraradi qaraxyada ahaa shalay lagu qaaday dhismaha wasaaradaha arimaha gudaha iyo amniga.

War qoraal ah oo ka soo baxay ah ka soo baxay wasaarada arimaha dibadda ee dalka turkiga ayaa lagu sheegay in dowladda turkiga ay si aad ah ugu xuntahay qaraxyada qasaaraha gaystay ee ka dhacay magaalada Muqdisho.

Dowladda turkiga ayaa qoraalkeeda ku sheegtay in ay muruga la qaybsanayso shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed gaar ahaan ehelada ay dadkooda ku geeriyoodeen qaraxyadii qasaaraha gaystay.

Turkiga ayaa xusay in ay si kulul u cambaareynayo qaraxyadaasi oo ay ku sheegtay inuu yahay mid qal qal lagu gelinayo ammaanka magaalada Muqdisho.

Waxaana qoraalka wasaaradaha arimaha dibadda lagu xusay in turkiga uu sii wadi doono taageerada uu siiyo dowladda federaalka ah ee somaliya iyo la dagaalanka xarakada alshabaab.

Sidoo kale ayaa waxaa qaraxyadaasi cambaareeyay howl galka qaramada midoobay ee somaliya ee UNSOM.

Waxaana qoraal ka soo baxay xafiiska wakiilka qaramada midoobay ee Soomaaliya lagu sheegay in qaramada midoobay ay ka xuntahay falkaasi qaraxyada oo ay dad badan ku dhinteen kuwo kalena ay ku dhaawacmeen.

Weerarkii shalay lagu qaaday dhismaha wasaaradaha arimaha gudaha iyo amniga ayaa waxaa ku geeriyooday dad ka badan 10 ruux iyadoo sidoo kalena ay ku dhaawacmeen ku dhawaad 20 ruux

 

 

 

 

122 total views, 1 views today

Total Views: 123 ,

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

ăn dặm kiểu NhậtResponsive WordPress Themenhà cấp 4 nông thônthời trang trẻ emgiày cao gótshop giày nữdownload wordpress pluginsmẫu biệt thự đẹpepichouseáo sơ mi nữhouse beautiful