Templates by BIGtheme NET

Qaramada midoobay oo sheegtay in ay kordhineyso taageerada ay siiso howl galka AMISOM.

New York(Raascawad Media)_Qaramada midoobay ayaa sheegtay in ay xoojineyso taageerada ay siiso howl galada nabad ilaallinta ee qaar ka mid ah dalalka ku yaala qaarada afrika ee ay xasaradaha ka jiraan.

Ku xigeenka xoghayaha guud ee qaramada midoobay Amina Maxamed ayaa xustay in qaramada midoobay ay door weyn ka qaadato caawinta howl galada ciidamada ka socda qaramada midoobay iyo kuwa midowga afrika ay ka wadaan qaarada.

Amino Maxamed ayaa si weyn u bogaadisay doorka ay ciidamada ka socda midowga afrika ugu qayb qaateen xalinta dhibaatooyinka dhinaca ammaanka ee ka jira dalal ka tirsan afrika oo ay somaliya ku jirto.

Ku xigeenka xoghayaha guud ee qaramada midoobay ayaa tilmaantay in howl galka AMISOM ee Somaliya uu tobankii sanno ee la soo dhaafay qayb weyn ka qaatay amniga iyo nabadda somaliya oo ay colaado ragaadiyeen.

Waxaana ay intaas ku dartay in qaramada midoobay ay sare u qaadeyso taageerada ay siiso ciidamada nabad ilaalinta midowga afrika ee ka howl gala gudaha somaliya.

 

 

 

83 total views, 1 views today

Total Views: 83 ,

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

ăn dặm kiểu NhậtResponsive WordPress Themenhà cấp 4 nông thônthời trang trẻ emgiày cao gótshop giày nữdownload wordpress pluginsmẫu biệt thự đẹpepichouseáo sơ mi nữhouse beautiful