Templates by BIGtheme NET

Dagaal xoogan oo ciidamada kenya iyo alshabaab ku dhex maray gobalka gedo

Muqdisho(Raascawad Media)_Dagaalyahano ka tirsan alshabaab ayaa weerar xoogan ku qaaday saldhig ciidamada kenya ay ku leeyihiin deegaanka faxfaxdhuub ee gobalka Gedo sida ay sheegeen saraakiil ka tirsan dowladda

Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay weerarkaasi iyo dagaalka xigay, inkastoo aan si dhab loo cadeyn karin inta uu la’egyahay.

Al Shabaab ayaa barahooda Internet-ka ku baahiyay in khasaaro xoogan ay gaarsiyeen Ciidamada Kenya

Dhinaca kale faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaal culus oo xalay ka dhacay gudaha degmada Qoryooley ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Dagaalka oo ahaa mid xoogan ayaa waxa uu u dhexeeyay Ciidamada dowladda oo garab ka helaya kuwa AMISOM iyo Al Shabaab oo weerar ku qaaday degmadaasi.

Waxaana la sheegay in halkaasi uu ka dhacay dagaal muddo saacado ah qaatay, la’iskuna adeegsaday hubka nuucyadiisa kala duwan.

 

189 total views, 9 views today

Total Views: 189 ,

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

ăn dặm kiểu NhậtResponsive WordPress Themenhà cấp 4 nông thônthời trang trẻ emgiày cao gótshop giày nữdownload wordpress pluginsmẫu biệt thự đẹpepichouseáo sơ mi nữhouse beautiful