Templates by BIGtheme NET

Waxgaradka Beesha Beesha Murusade Oo Ka Digay Boob Ka Dhan Ah Dhul Uu Leeyahay Cabdullahi Ibrahim Dhagey.

 

War murtiyeed

Raascawad(Media)_Waxaa maanta oo tr. 11.05.2018, shir isugu yimid wax garadka beesha murusade oo ka kala socday qeybaha kala duwan ee bulshada.

Waxaa warbixin looga dhegeystay gudigii horey loogu xilsaaray in ay xaldoonka la wadaagan, gudigii kale ee ka socday beesha mareexaan, si xal loogu helo muranka dacwada dhuleed ee ka dhexeysay cabdullahi ibraahim dhegeey iyo nadiifo faarax jaamac oo u kala dhashay 2bada beelood.

Intaas ka bacdina waxaa aad loo lafa guray natiijada ka soo baxay kulankii 2badaas guddi u socday mudada ku dhow 3da bilood (05.02.-29.04.2018).

Intaas ka bacdina waxaa beeshu soo saartay qodobadan.

Markey beeshu aad u lafa gurtay go’anada iska hor imaanaya ee garsoorka, oo xaalada sii fogeeyay, waayo waxay garsoorku soo qoreen in qofkii laga wax laga xukumay loo fuliyo, loo xukumayna laga fuliyo oo wixii loo xukumay qofkale la siiyo, taas oo ah waxa dhibka jira abuuray.

Ciidamadii abniga oo umada u shaqeyn lahaa oo loo adeegsaday danno aan sharci aheyn.

Masuuliyiinta ciidamada abniga oo xita hadii la tusiyo cadeyn in waxa ay fulinayaan aysan, sharci aheyn aan garowsan.

In hadii sharciga la baalmaro, umadu ay kalsoonida lumineyso, taasna ay masuulka tahay ciddii sharciga baalmartay.

In dhulka ku yaala zona garasbaaley (km12), ee 6da maalmood xooga lagu dhisaayay, aan leysku dayin in xooga iyo booba lagu sii dhisto, anagoo sharciga ogol

Baaq ku socda madaxda dowlada iyo beesha aan wallalaha nahay ee mareexaan.

Dowladu waa dowlad shacab ah, sidaas darteed waxaan uga fadhina in cadaalada la xaqiijiyo oo aan dadka ciidan lagu handadin, anaguna waxaan nahay umada ugu horeysa oo cadaalada aqbaleysa.

in hey’ada ku shaqada lihi xaqiijiso, yaa loo xukumay, yaase laga xukumay dacwadii maxkamda sare ka soo dhamaatay, ee ka dhexeysay cabdullahi ibraahim dhegay iyo nadiifo faarax jaamac.

waxaan ku qanacsanahay xukunka ka soo baxay maxkamada sare 27.08.2014 ms/33/2014BG

xukunka fulinta laga qorayna uu yahay ms/133/2013BG, soona baxay 29.08.2014 oo maalin jimcaa ah, isla markasna, waaana xukun nin qof dilay ee dacwo dhul ma ahan.

Beesha mareexaana waxaan leenahay xoog iyo ciidan wax hanooga doonina, ee gar iyo sharci nooga soo doonta diyaar ayaan idiinla nahaye.

58 total views, 1 views today

Total Views: 58 ,

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

ăn dặm kiểu NhậtResponsive WordPress Themenhà cấp 4 nông thônthời trang trẻ emgiày cao gótshop giày nữdownload wordpress pluginsmẫu biệt thự đẹpepichouseáo sơ mi nữhouse beautiful