Templates by BIGtheme NET

Golaha ammaanka ee qaramada midoobay oo mudo kordhin usameeyay howl galka UNSOM ee Somaliya

New York(Raascawad Media)_Golaha ammaanka ee qaramada midoobay ayaa mudo dheeraad ah ugu daray howl galka UNSOM ee Soomaaliya iyadoo mudo hal hal sanno lagu kordhiyey howl galka oo shaqadiisa ay ku egtahay 31/march ee sannadkan

Xubnaha golaha ammaanka ayaa hoosta ka xariiqay muhiimada uu howl galka qaramada midoobay ee UNSOM u leeyahay dowladda federaalka ah ee Soomaaliya oo uu siiyo taageero wax ku ool ah.

Golaha ayaa sheegay in xafiiska UNSOM ee Soomaaliya in dowladda uu ka caawiyo dhinacyada siyaasada,nabadda iyo dib u heshiisiinta iyo dowlad wanaaga

Qaramada midoobay ayaa  si weyn howl galka UNSOM ugu bogaadisay shaqada wanaagsan ee uu ka hayo somaliya taasoo ay ku tilmaantay inuu door weyn ka ciyaaro soo kabshada dalka Soomaaliya oo muddo dheer ay ragaadiyeen colaado iyo dagaalo sokeeye.

Howl galka UNSOM ee Soomaaliya ayaa waxaa la aas,aasay bishii june ee sannadkii 2013 iyadoo ujeedka ugu weyn ee loo sameeyay u ahaa inuu taageero buuxdo siiyo dowladda Somaliya.

Golaha ammaanka ee qaramada midoobay ayaa isku raacay in xafiiska howl galka qaramada midoobay ee Soomaaliya inuu sii shaqeeyo ilaa bisha march ee sannadka 2019

 

 

135 total views, 2 views today

Total Views: 135 ,

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

ăn dặm kiểu NhậtResponsive WordPress Themenhà cấp 4 nông thônthời trang trẻ emgiày cao gótshop giày nữdownload wordpress pluginsmẫu biệt thự đẹpepichouseáo sơ mi nữhouse beautiful