Templates by BIGtheme NET

Booliiska kenya oo shacabka deegaanada Boni ku eedeeyay in alshabaab ay dhaqaale ku taageeraan

Lamu(Raascawad Media)_Saraakiisha booliiska dalka kenya ayaa qaar ka mid ah dadka deegaanka Boni oo ku dhaw xadka Soomaaliya ku eedeeyay in alshabaab ay siiyaan taageero maaliyadeed.

Taliyaha ciidamada Booliiska ee Lamu Muchangi Kioi ayaa xusay in shacabka ku dhaqan keymaha Boni ay lacago ay ka helaan dhuxul ay u dhoofiyaan Soomaaliya ay ku taageeraan xarakada alshabaab.

Mr Muchangi oo ka hadlayey howl galka ay ciidamada ka sameeyeen Boni ayaa sheegay ay ka hortagayaan ka ganacsiga dhuxushaasi sharci darada ah,isagoo tilmaamay in qaban doonaan dadka lagu eedeeyay howlahaasi.

Taliyaha ayaa sheegay in ay tahay wax laga xumaado in dadka deegaanka ay dhaqaalo ku taageeraan alshabaab oo weerar qasaaro gaysta ka fuliyaha gudaha kenya gaar ahaan deegaanada ku dhaw xadka Soomaaliya.

Mar Muchangi ayaa tilmaamay in ciidamada booliiska ay gacanta ku soo dhigeen 250 jawaan oo ah dhuxul sharci daro ah iyagoo ka soo qabtay deegaano ka tirsan keymaha Boni.

Booliiska ayaa soo xiray afar ruux oo lagu eedeeyay in ay ku lug leeyihiin ka ganacsiga dhuxushaasi kuwaasoo la sheegay in dhawaan la horkeeni doono maxkamad.

Alshabaab ayaa weeraro xoogan ka soo qaada keymaha kuwaasoo ay ku bartilmaameedsadaan deegaanada hoos yimaada magaalooyinka Lamu iyo Garissa.

 

 

168 total views, 1 views today

Total Views: 168 ,

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

ăn dặm kiểu NhậtResponsive WordPress Themenhà cấp 4 nông thônthời trang trẻ emgiày cao gótshop giày nữdownload wordpress pluginsmẫu biệt thự đẹpepichouseáo sơ mi nữhouse beautiful