Templates by BIGtheme NET

Howl galka AMISOM oo dalbaday in loo kordhiyo mudada ay joogayaan Soomaaliya

Muqdisho(Raascawad Media)_howl galka nabad ilaalinta midowga afrika ayaa ee AMISOM ayaa dalbaday in waqti dheeraad ah loogu daro mudada ay soo joogayaan Soomaaliya.

Wakiilka ururka midowga afrika ee Soomaaliya ahna madaxa howl galka AMISOM ambassador Francisco Madeira ayaa sheegay in muhiim ay tahay in howl galkooda Soomaaliya uu gaaro sannadka 2021.

Mr Madeira ayaa xusay in mudadaasi ay doonayaan in alshabaab ay kaga saaraan Soomaaliya isla markaana ay soo celin doonaan ammaanka iyo xasiloonida somaliya oo weli ay colaado ka taaganyihiin

Wakiilka ayaa sheegay in weli aysan ciidamada dowladda federaalka ah ee Soomaaliya awood u lahayn in ay la wareegaan mas,uuliyada ammaanka dalka.

Francisco Madeira ayaa dhinaca kale sheegay in ay weli taagantahay khatar alshabaab isagoo intaasi ku daray in halis weyn ku yihiin ammaanka dalalka dariska la ah somaliya.

Golaha ammaanka ee qaramada midoobay ayaa sannadkii hore sheegay in la dhimo tirada ciidamada nabad ilaalinta midowga afrika ee Somaliya si ay ciidamada dowladda federaalka ee ah Soomaaliya ula wareegeen gacan ku haynta amniga dalka.

 

 

 

137 total views, 1 views today

Total Views: 137 ,

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

ăn dặm kiểu NhậtResponsive WordPress Themenhà cấp 4 nông thônthời trang trẻ emgiày cao gótshop giày nữdownload wordpress pluginsmẫu biệt thự đẹpepichouseáo sơ mi nữhouse beautiful