Templates by BIGtheme NET

Burcadbadeed Oo Weerartay ku qaaday Markab Laga Leeyahay Singapore

Muqdisho(Raascawad Media)_Kooxo burcad badeed Soomaali ah ayaa lagu soo waramayey in ay weerar ku qaadeen markab uu ka babanayey calanka dalka Singapore oo marayey badweynta hindiya

Ilaalo saarnayed markabka la weeraray ayaa la sheegay in ay iska caabin sameeyeen iyadoo israsaaseyn mudo daqiiqado ah qaadatay ay dhexmartay iyaga iyo kooxda burcad badeeda ah ee weerarka soo qaaday

Ciidamada Midowga Yurub ee ilaalada xeebaha Soomaaliya ayaa sheegay in Ilaalada gaarka ah ee Markabkaasi iyo kooxihii weerarka soo qaaday ay israsaaseyn socotay muddo 20-daqiiqo ay dhexmartay, balse aysan jirin waxyeelo ka soo gartay Markabaasi iyo shaqaalihii saarnaa.

Sidoo kale Midowga Yurub ayaa sheegay in weerarkani uu yahay kii ugu horreeyay ee Burcadbadeedu soo qaadaan, tan iyo bishii November ee Sanadkii hore.

Markabka ayaa la sheegay in uu ka soo sharaacday dalka Oman, kuna sii  jeeday dalka Kuunfur Afrika gaar ahan magaaalada Cape Town.

Weerarada Burcadbadeeda Soomaalida ayaa hoos u dhacay Sanadihii la soo dhaafay iyadoona la sheegay in arrintaasi ay sabab u tahay howlgallada lagula dagaalamayo oo aad u kordhay muddooyinkii u dambeeyay.

 

79 total views, 1 views today

Total Views: 79 ,

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

ăn dặm kiểu NhậtResponsive WordPress Themenhà cấp 4 nông thônthời trang trẻ emgiày cao gótshop giày nữdownload wordpress pluginsmẫu biệt thự đẹpepichouseáo sơ mi nữhouse beautiful