Templates by BIGtheme NET

Itoobiya oo sii daysay maxaabiis ka tirsan ururka ONLF

Adis ababa(Raascawad Media)_Dowladda Itoobiya ayaa sii deysay ilaa 1500 oo ruux oo la sheegay in ay ka tirsanaayeen ururka ONLF oo ku xirnaa xabsiyo ku yaala dalkaasi sida ay xaqiijiyeen saraakiil ka tirsan ururka.

Sii deynta maxaabiistaasi ayaa ka dambeysay kadib wada hadal magaalada Nairobi ee dalka kenya todobaad ka hor ku dhex maray madax ka socotay dowladda Itoobiya iyo wakiil ka tirsan Jabhada ONLF.

Boqol ka mid ah dadka la sii daayey la sheegay in ay ahaayeen maxaabiis siyaasadeed taasoo qayb ka heshiis hor dhac ah oo ay gaareen jabhada ONLF iyo dowladda Itoobiya

Maxaabiistaasi ayaa la sheegay in ay ku xirnaayeen xabsi ku yaala magaalada Jigjiga ee xarunta dowlad deegaanka Soomaalida ee dalka Itoobiya

War qoraal ah oo la soo dhigay bogga twitterka ayaa lagu sheegay in ay weli jiraan rag kale oo ka tirsan ururka ONLF oo weli ku xiran qaar ka mid ah xabsiyada dalka Itoobiya.

Jabhada ONLF ayaa mudo dheer dagaal kula jirtay dowladda Itoobiyada waxaana dowladda ay ku eedeeysaa ururkaasi inuu tacadiyo badan ka gaystay gudaha dalkaasi

 

 

138 total views, 1 views today

Total Views: 138 ,

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

ăn dặm kiểu NhậtResponsive WordPress Themenhà cấp 4 nông thônthời trang trẻ emgiày cao gótshop giày nữdownload wordpress pluginsmẫu biệt thự đẹpepichouseáo sơ mi nữhouse beautiful