Templates by BIGtheme NET

DAAWO+DHAGEYSO:-Dr Xaashi Dhiblaawe Siyaad oo Cadeeyay inuu Beri ka yahay Qarax Gaari lagu Xiray oo ka dhacay Muqdisho,

Dr Xaashi Dhiblaawe Siyaad oo ka mi ah dhaqaatiirta Cudurada Wadnaha ee ka howl-gala Dalka Soomaaliya gaar ahaan Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in Magaciisa lagu sheegay Mas’uul ka tirsanaa Wasaarada Caafimaadka oo Qarax lagula beegsaday Muqdisho,

Dr Dhiblaawe ayaa Tilmaamay in Talaabadaasi ay Mas’uul ka yihiin Hey’adaha Amaanka ee Dowladda Soomaaliya iyo Maamulka Gobolka Banaadir,

Waxa uu sheegay in Taliye ku xigeenka Booliska Degmada Hodon uu Warbaahinta ka sheegay Magaciisa isaga oo ku tilmaamayay inuu yahay shaqsiga lala Beegsaday Qaraxa ee Gaarigiisa loogu Xiray,

Mas’uulka la Weeraray ee Qaraxa ku dhaawacmay ayaa lagu magacaabaa Xersi Dhiblaawe Maxamed, waxaana Dr Xaashi Dhiblaawe Siyaad uu ka Dalbaday Maamulka Gobolka Benaadir inay Raali Gelin Buuxda ka bixiyaan Arintaasi,

HALKAAN KA DHAGEYSO

674 total views, 1 views today

Total Views: 674 ,

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

ăn dặm kiểu NhậtResponsive WordPress Themenhà cấp 4 nông thônthời trang trẻ emgiày cao gótshop giày nữdownload wordpress pluginsmẫu biệt thự đẹpepichouseáo sơ mi nữhouse beautiful