Templates by BIGtheme NET

Saldhiga Turkiga Ee Magaalada Muqdisho Oo Maanta rasmi ah loo Furayo

Muqdisho(Raascawad Media)_Dowladda turkiga ayaa saldhig malateri oo aad u weyn maanta ka fureyso magaalada Muqdisho,kaasoo hore looga dhisay deegaanka Jasiira ee duleedka magaalada Muqdisho

Saldhiga Milateri ayaa lagu wadaa in maanta si rasmi ah loo furo, kaasi oo ku yaala  Deegaanka Jaziira ee Duleedka Magaalada Muqdisho, halkaasi oo la sheegay in ay Tababaro Ciidan ku bixin Doonaan Saraakiil Turki ah.

Xeradan Milateri ee dowladda Turkiga ka furaneyso Magaalada Muqdisho ayaa la sheegay in ay noqoneyso tan ugu Weyn oo ay Dowladda Turkiga ka sameysanayso Qaaradda Afrika.

Warar laga soo xigtay shaqsiyaadka ku howlan Qorshaha Saldhiga Milateri ee Dowlada Turkiga ay ka furaneyso Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in Saldhigan uu noqonayo mid lagu tababari karo tiro Ciidamo ka badan 1500 oo Askari,

Shalay ayey ahayd markii Taliyaha Guud ee Ciidamada Ammaanka ee Dowlada Turkiga uu soo gaaray Magaalada Muqdisho, kaasi oo Taliyaha Ciidamada Xoogga Dalka Jeneral Maxamed Axmed Jimcaale (Carfiid), si gaar ah ugala hadlay Arrimaha Saldhigaasi.

265 total views, 1 views today

Total Views: 265 ,

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

ăn dặm kiểu NhậtResponsive WordPress Themenhà cấp 4 nông thônthời trang trẻ emgiày cao gótshop giày nữdownload wordpress pluginsmẫu biệt thự đẹpepichouseáo sơ mi nữhouse beautiful