Templates by BIGtheme NET

Alshabaab oo ciidamada dowladda kala wareegay deegaanka Bariire

Bariire(Raascawad Media)_Wararka laga helayo gobalka shabeelada hoose ayaa sheegaya in dagaalyahano ka tirsan xarakada alshabaab ay si buuxda ula wareegeen gacan ku haynta deegaanka Bariire ee gobalka shabeelada hoose.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in alshabaab ay soo qaadeen weerar ku bilowday qaraxyo xoogan kadibna uu halkaasi ka bilowday dagaal xoogan oo dhex maray ciidamada dowlada iyo kuwa alshabaab.

Sarkaal ka tirsan ciidamada dowlada somaliya ayaa sheegay in ay iska caabiyeen weerarka ay ku soo qaadeen alshabaab.

Wararka ayaa sheegaya in dagaalkaasi ay alshabaab ku dileen ku dhawaan  20 askari oo ka mid ah ciidamada dowladda ee weerarka lagu qaaday

Balse alshabaab ayaa warbaahinta afkooda ku hadasha waxaa ay sheegeen in ciidamada dowladda ay ka qabsadeen 11 gawaari ah oo shan ka mid ah ay ahaayeen nuuca dagaalka

1,629 total views, 9 views today

Total Views: 1629 ,

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

ăn dặm kiểu NhậtResponsive WordPress Themenhà cấp 4 nông thônthời trang trẻ emgiày cao gótshop giày nữdownload wordpress pluginsmẫu biệt thự đẹpepichouseáo sơ mi nữhouse beautiful