Templates by BIGtheme NET

Itoobiya oo sheegtay in kumanaan Oromo ah ay ku barakaceen gudaha somaliland.

Addis ababa(Raascawad Media)_Dowladda Itoobiya ayaa shaacisay in ilaa iyo 3000 kun oo ka soo jeeda qowmiyada Oromada ee dalkaasi ay ku barakaceen gudaha somaliand kadib rabshadihii xoogaanaa ee dhexmaray somalida iyo Oromada.

Wasiirka warfaafinta ee dalka Itoobiya Negeri Lencho ayaa magaalada Addis ababa ee xarunta dalkaasi ka sheegay in Oromada oo ah qowmiyada ugu balaaran ee dalka Itoobiya ay wajaheen barakac xoogan,isagoo intaasi ku daray in ay qaarkood ay ku dhibaateysanyihiin deegaanada ay u qaxeen

Mr Negeri ayaa intaasi ku daray in bariga Oromiya ay noqotay goob colaadeed isagoo xusay in isku dhacyadii xoganaa ee horaantii bishan ka dhacay xadka Oromada iyo somalida si aad ah loogu bartilaameedsaday qowmiyada oromada ee halkaasi degta.

Wasiirka warfaafinta ee dalka Itoobiya ayaa sheegay in colaadihii ugu dambeeyay ee dhexmaray qowmiyada Oromada iyo somalida ayaa waxaa ay sababeen dhimashada boqolaal ruux isla markaana ay ku barakaceen todobanaan kun oo ruux oo isagu jirta labada dhinaca.

Wasiirka warfaafinta maamulka Somaliland Sacad Cali Shire ayaa ka gaabsaday in uu ka hadlo colaadihii ka dhacay dalka Itoobiya tan iyo inta laga sameyn baaritaan sax ah

 

 

155 total views, 1 views today

Total Views: 155 ,

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

ăn dặm kiểu NhậtResponsive WordPress Themenhà cấp 4 nông thônthời trang trẻ emgiày cao gótshop giày nữdownload wordpress pluginsmẫu biệt thự đẹpepichouseáo sơ mi nữhouse beautiful