Muqdisho(Raascawad Media)_Kulan ay magaalada Muqdisho ku yeesheen saraakiil ka tirsan ciidamada nabad ilaalinta midowga afrika ee AMISOM iyo dowladda federaalka ah ee somaliya ayaa looga hadli sida ugu macquulsan ee looga hortagi karo qaraxyada miinooyinka ah ee ay alshabaab ku weerareen ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda.
Taliyaha ciidamada AMISOM Jeneraal Cismaan Nuur Subagle ayaa sheegay in ay qaadayaan howl gal balaaran oo ay kaga hortagayaan qaraxyada ay adeegsadaan alshabaab.
Saraakiisha ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda waxaa ay sheegeen in ay muhiim tahay sidii ay isaga kaashan lahaayeen in ay ka hortagaan qaraxyadaasi oo inta alshabaab ay sameeyeen.
Alshabaab ayaa inta badan ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda somaliya u adeegsada qaraxyo la dhigo dhinacyada wadooyinka
1,377 total views, 9 views today