Templates by BIGtheme NET

Qaramada midoobay oo sheegtay in qaxootiga somalia oo ka soo noqda Kenya ay soo gaareen dalka

Nairobi(Raascawad Media)_Hay,ada qaxootiga qaramada midoobay ee UNHCR ayaa sheegay in 832 ruux oo ka mid ahaa qaxootiga ku jira xeryaha qaxootiga  dhadhaab ee dalka kenya in ay dhawaan dib ugu  celisay somalia.

Qaxootigaasi oo iyagoo aan la qasbin dib dalkooda loogu celiyey ayey UNHCR sheegtay in 83 ka mid ah ay gaareen magaalada Muqdisho halka 749 kalena la gaarsiiyey magaalada kismaanyo ee xarunta gobalka jubada hoose.

Warbixin ay dhawaan hay,ada UNHCR ka soo saartay magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayey ku xustay in talaabooyinkaasi dib u celinta qaxootiga ee xeryaha Dhadhaab ay qaaday labadii todobaad ee la soo dhaafay

Sarkaal ka tirsan hay,ada qaxootiga qaramada midoobay ayaa sheegay in tirada guud ee qaxootiga ay ka soo celliyeen xeryaha Dhadhaab ee dalka Kenya ay gaareyso ilaa iyo 73,031 ruux tan iyo markii uu bilowday qorshaha dib celinta qaxootiga somalida ah sanadkii 2014.

Dhamaan tirada qaxootiga dib loo soo celiyey ayey hay,adu sheegtay in iyagoo xor ah ay dalbadeen in dalkooda somaliya dib loogu celiyo.

UNHCR ayaa xaqiijisay in 17,229 ruux oo ka mid ah qaxootiga xeryaha dhadhaab ay dalbadeen in dalkooda lagu celiyo halka 11,000 oo ka mid ah ay isdiiwaan geliyeen .

Dowladda Kenya ayaa sanadkan 2013 shaacisay in ay xireyso guud ah xeryaha qaxootiga ee dhadhaab kadib markii dowladda ay cabsi ka muujisay in xeryaha qaxootiga ee dhadhaab laga soo abaabulo weerarada ay alshabaab ka fuliyaan gobalka waqooyi bari ee dalkaasi

1,161 total views, 18 views today

Total Views: 1161 ,

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

ăn dặm kiểu NhậtResponsive WordPress Themenhà cấp 4 nông thônthời trang trẻ emgiày cao gótshop giày nữdownload wordpress pluginsmẫu biệt thự đẹpepichouseáo sơ mi nữhouse beautiful