Templates by BIGtheme NET

mareykanka oo mar kale xayiraad ku soo rogay socdaalka dalal ay k jirto somaliya.

Washington(Raascawad Media)_Maamulaka madaxweyne Donald Trump ee dalka mareykanka ayaa mar kale xayiraad hor leh dul dhigay socdaalka dalalka ay ka mid yihiin Chad,iran,Libya,kuuriyada waqooyi,Somalia,Syria,venezuala iyo Yemen

Waaxda amniga gudaha ee dalka mareykanka ayaa sheegtay in qorshaha cusub ee xayiraada loogu soo rogay dalalkaasi ay tahay sababa la xiriira dhinaca ammaanka dalka mareykanka,iyadoo dalalkaasi qaarkood ay halis ku noqon karaan amniga dalka mareykanka.

Hore ayaa waxaa madaxweynaha dalka mareykanka uu xayiraad dhinaca socdaalka ah ee dalkiisa ugu soo rogay dalalka Iran,Somalia,sudan,Syria iyo yemen oo ku tilmaamay talaabo sare loogu qaadayo amniga dalkiisa.

Mr trumb ayaa bogiisa tweetarka ku sheegay in xoojin doono qorshaha xayiraada lagu saarayo safarada dalalka qaarkood ee dalka mareykanka.

Liiska hore ee dalalka uu mareykanka dul dhigay xayiraada oo dhamaantood ahaa dalal muslimiin ah ayaa waxaa talaabada cusub ee xayiraada ku soo biiray dalalka Venezuela iyo kuuriyada waqooyi oo mareykanka ay xurguf xoogan kala dhaxeyso

Talaabooyinka uu mareykanka ku xayirayo dhinaca safarada ee dalkaasi ayaa waxaa si weyn saameyn ugu yeelaneysa Somali badan oo rajo ka qabay in ay qaxooti ahaan ku galaan dalka mareykanka

109 total views, 1 views today

Total Views: 109 ,

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

ăn dặm kiểu NhậtResponsive WordPress Themenhà cấp 4 nông thônthời trang trẻ emgiày cao gótshop giày nữdownload wordpress pluginsmẫu biệt thự đẹpepichouseáo sơ mi nữhouse beautiful