Templates by BIGtheme NET

Golaha wasiirada xukuumada somaliya oo kulan deg deg ah ku yeeshay Muqdisho

Muqdisho(Raascawad Media)_Golaha wasiirada ee xukuumada federaalka ah ee somaliya ayaa habeenkii xalay ahaa kulan deg deg ah ku yeeshay magaalada Muqdisho

Kulankan oo ahaa mid aan horay loo sii shaacin ayaa waxaa uu furmay fiidnimadii xalay, iyadoo uu shir guddoomiyay ra’isul wasaare ku xgieenka Xukuumadda Mahdi Maxamed Guuleed  “Khadar”.

Waxaana uu qaatay muddo sacaado ah, iyadoona aan si dhab ah loo xaqiijin Karin qoddobadada looga hadlay shirkaasi.

Balse wararka qaar ayaa sheegaya in kulankan looga hadlay Go’aanada dowlad Goboleedyada qaar ay ka qaateen khilaafka Wadamada Khaliijka.

Shirka kadib ma jirin wax faah faahin oo ay Golaha Wasiiradu ka bixiyeen kulankooda waxa uu ku aadanaa.

Muddooyinkan danbe ayaa waxa jiray khilaafyo siyaasadeed oo soo kala dhexgalay qaar ka mid ah maamul Goboleedyada dalka iyo madaxda federaalka, kadib markii ay baal mareem Go’aankii dhex dhexaadnimada ahaa oo ay dowladda federaalku ka qaadatay khilaafka wadada Khaliijka.

103 total views, 1 views today

Total Views: 103 ,

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

ăn dặm kiểu NhậtResponsive WordPress Themenhà cấp 4 nông thônthời trang trẻ emgiày cao gótshop giày nữdownload wordpress pluginsmẫu biệt thự đẹpepichouseáo sơ mi nữhouse beautiful