Templates by BIGtheme NET

Dilal qorsheysan oo xalay ka dhacay qaybo ka mid ah Muqdisho

Muqdisho(Raascawad Media)_Xaafada ka tirsan magaalada Muqdisho ayaa waxaa xalay ka dhacay dilal qorsheysan oo lagu bartilmaameedsaday saraakiil ka tirsan dowlada soomaaliya ss

Kooxo hubeysan ayaa xalay degmada Waaberi ku dilay taliye ku xigeenka saadka ee ciidamada xooga dalka Janaraal Cabdulle Maxamed Sheekh Qururux iyo askari ilaalo u ahaa

Waxaana lagu soo warramayaa in kooxihii ka danbeeyay dilka sarkaalkaasi ay goobta isaga baxsadeen.

Sidoo kale waxaa xalay degmada Hodan ee Gobolka Banaadir Rag hubeysan ay ku dileen Askari ka tirsanaa ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya, kaasi oo ku sugnaa xaafada Siigaale ee degmadaasi Hodan.

Waxaana la sheegay in Rag ku hubeysan Bastooladu ay askarigaasi Toogteen, iyagoona goobta isaga baxsaday.

Dhinaca kale wararka laga helayo Isgooska Fakax ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in Bom Gacmeen lagu weeraray gaari Cabdi Bile ah oo ay saarnaayeen ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya.

Lama oga illaa iyo haatan khasaaraha ka dhashay weerarkaasi, iyadoo eysan jirin wax faah faahin ah oo ay laamaha ammaanka dowladda ay ka bixiyeen weerarkaasi.

Muddooyinkii danbe waxaa soo badanayay falalka ammaan dari ee ka dhaca Magaalada Muqdisho, iyadoo eysan jirin cid loo soo qabtay dhibaatooyinkaasi xumo.

 

 

 

 

1,368 total views, 9 views today

Total Views: 1368 ,

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

ăn dặm kiểu NhậtResponsive WordPress Themenhà cấp 4 nông thônthời trang trẻ emgiày cao gótshop giày nữdownload wordpress pluginsmẫu biệt thự đẹpepichouseáo sơ mi nữhouse beautiful