Templates by BIGtheme NET

Kulan looga hadlayey xoojinta amniga somaliya oo ka dhacay Muqdisho

Muqdisho(Raascawad Media)_Kulanka oo laga hadlayey sare u qaadida amniga dalka ayna ka soo qayb galeen saraakiil ka socotay laamaha amniga ee dowlada iyo madax ka soctay midowga yurub ayaa lagu qabtay magaalada Muqdisho

Waxaa si wada jir ah u shir guddoominayay Wasiirka Amniga Gudaha Xukuumadda Soomaaliya Mudane MAxamed Abuukar Islow Ducaale iyo Danjiraha Midpowga Yurub u fadhiya Soomaaliya,iyaduu ay goob joog ka ahaayeen taliyaha ciidanka Booliska Soomaaliyeed Generaal C/xakiin Daahir Siciid Saacid iyo wafuud ka socotay Dowlad Goboleedyada Dalka kajira.

Waxyaabaha ugu muhiimsan oo shirkaasi la iskula soo hadal qaadey waxaa kamid ahaa dhaqan gelinta qodobadiid la xiriira dhanka amniga Dalka Soomaaliya,kuwaasi oo ka soo baxay shirkii Lodon dhawaan ka dhacay.

Wasiirka Amniga  gudaha Maxamed Abukar Islow Ducaale oo shirka furay ayaa sheegay in uu shirkaan daba socdo shirar hore oo ka dhacay gudaha iyo dibadda dalka,kuwaasi oo ujeedkoodi ahaa  sidii loo dhisi lahaa ciidamo Qaran oo isku dhaf ah,islamarkaana ciidamadu ay isku diyaariyaan sidii Ammaanka Dalka ay uga la wareegi lahaayeen Amisom.

179 total views, 1 views today

Total Views: 179 ,

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

ăn dặm kiểu NhậtResponsive WordPress Themenhà cấp 4 nông thônthời trang trẻ emgiày cao gótshop giày nữdownload wordpress pluginsmẫu biệt thự đẹpepichouseáo sơ mi nữhouse beautiful