Templates by BIGtheme NET

Soomaaliya oo beesha caalamka ka dalbatay in laga qafiifiyo cunaqabateynta hubka

New York(Raascawad Media)_Dowladda somaliya ayaa mar kale hogaamiyayaasha caalamka ugu baaqday in laga qaado cunaqabateynta dhinaca hubka ee saaran soomaaliya,si loo xoojiyo dagaalka lagu jiro xarakada alshabaab.

Ra,iisul wasaaraha soomaaliya Xasan Cali Kheyre oo qudbad ka jeediyey golaha guud ee qaramada midoobay ayaa sheegay in dalkiisa uu horumar la taaban karo ka sameeyay dhinacyada amniga iyo siyaasada

Mr Kheyre ayaa tilmaamay in Soomaaliya ay xilligan u baahantahay in laga qaado xayiraada ka saaran dhinaca hubka si ciidamada dowladda ay u helaan hub culus oo lagula dagaalamo alshabaab oo uu sheegay in ay weli dalka ka wadaan weeraro iyo qaraxyo.

Ra,iisul wasaaraha ayaa xusay in Soomaaliya ay diyaar u tahay in dhinaca wadada nabad gelyada ay u mareyso haddi laga qaado cunaqabateynta dhinaca hubka ee saaran.

Dowladda somaliya ayaa hore u dalbatay in laga qaado cunaqabateynta saaran si loo tayeeyo ciidamada xoogan dalka iyo kuwa amniga.

Golaha amaanka ee Qaramada midoobay ayaa somaliya hal sanno ka qaaday cunaqabateynta hubka ee saarnaynd sanadkii 2013kii si loo xoojiyo ammaanka dalka

 

99 total views, 1 views today

Total Views: 99 ,

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

ăn dặm kiểu NhậtResponsive WordPress Themenhà cấp 4 nông thônthời trang trẻ emgiày cao gótshop giày nữdownload wordpress pluginsmẫu biệt thự đẹpepichouseáo sơ mi nữhouse beautiful