Templates by BIGtheme NET

AMISOM oo beesha caalamka mar kale ka dalbatay taageero dhaqaale

 

New York ( Raascawad Media )-dalalka ay ciidamadooda ka joogaan somaliya ayaa ka dalbaday beesha caalamka in sare loo qaado dhaqaalaha lagu bixiyo howl galka AMISOM ee somaliya

Hogaamiyaasha dalalka Djibouti, Ethiopia, Uganda, Kenya iyo Burundi oo kulan gaar ah yeeshay ayaa ka dalbaday Beesha Calamka in ay taareego dhaqaale oo dheeraad ah lagarab istaagaan ciidamada AMISOM ee howlgala Soomaaliya.

Kulanka oo uu shir guddoominayay madaxweynaha UgandaYoweri Museveni ayaa lagu sheegay in howlgalka ciidanka AMISOM uu wajahayo xaalado dhaqaalo xumo, taaso ay suuragal tahay in ayy hoos u dhigaan howlaha Nabad Ilaalinta ah oo ay  Soomaliya ka hayaan, sidaa darteed waxan u bahanahay taageero dhaqaale oo dheeraad ah, si aan howlgalkeena ugu gudano sidda ugu fiican ayaa warbixinta lagu xusey.

Sidoo kale waxa masuuliyadi naga saran tahay inaan dhisno oo an tababarno ciidamada Soomaaliya sidaa darteed waxan ka dalbanayna Beesha Caalamka in ay gacan ka geystaan sidii dhaqaalo dheerad loogu heli lahaa howgalka AMISOM oo hada ladaala dhacayo dhaqaalo xumo sofoodsaartay, ayaa warbixinta lagu yiri

Dhankale Ra’isul Wasaaraha dalka Ethiopia Hailemariam Desalegn ayaa hoosta ka xariiqay in kordhinta dhaqaalaha ciidanka AMISOM in ay tahay arrin  aan muran lagalinkarin, islamarkaana looga fadhiyo Beesha Caalamka in ay ka jawaabto dalabkooda,

Sikastaba ma’ahan marki iugu horeysay oo ay dhaqaalo xumo ka cabanayaan ciidamada AMISOM ee ka howlgala Soomaaliya.

 

 

 

 

792 total views, 9 views today

Total Views: 792 ,

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

ăn dặm kiểu NhậtResponsive WordPress Themenhà cấp 4 nông thônthời trang trẻ emgiày cao gótshop giày nữdownload wordpress pluginsmẫu biệt thự đẹpepichouseáo sơ mi nữhouse beautiful