Templates by BIGtheme NET

Shiinaha iyo somaliya oo ka wada hadlay xoojinta xiriirka labada dal

New York(Raascawad Media)_Ra,iisul wasaaraha dowladda federaalka ah ee soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa magaalada New York ee dalka mareykanka kulan kula yeeshay wasiirka arimaha dibadda ee dalka shiinaha Wang Yi.

Labada Mas’uul ayaan kulankooda waxa ay uga wada hadleen iskaashiga labada dowladd iyo mashaariic dhowr ah oo ay dowladda Shiinaha ka fulinayso Soomaaliya.

Kulankan ayaa Sidoo kale labada mas’uul waxa ay iskula soo qaadeen xoojinta xiriirka, taageerada dhinaca ee gobolka geeska afrika, iyo sidoo kale in Soomaaliya gacan ballaaran laga siiyo in ay hormar ku tallaabsato.

Mudane Kheyre ayaa uga mahad celiyay Wasiirka Arrimaha Dibedda Shiinaha Wang Yi kaalintooda hormarineed ee dalka Soomaaliya, iyo taageerada ay haatan siiyaan oo uu tilmaamay in ay tahay mid wanaagsan.

Dhinaca kale, Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa khudbad dhinacyo kala duwan taabanayso ka jeediyay shirka caalamiga ee looga hadlayay arrimaha Soomaaliya iyo sidoo kale Shir ku saabsana arimah Abaaraha.

Shirkan ayaa waxaa goobjoog ahaa ku dhawaad 98 dowladood.

Ra’isal wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa maalmihii danbe si is daba joog ah ula kulmayay madaxda caalamka ee ka qayb galaya shirka golaha guud ee QM oo maalmo ka hor furmay.

97 total views, 1 views today

Total Views: 97 ,

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

ăn dặm kiểu NhậtResponsive WordPress Themenhà cấp 4 nông thônthời trang trẻ emgiày cao gótshop giày nữdownload wordpress pluginsmẫu biệt thự đẹpepichouseáo sơ mi nữhouse beautiful