Templates by BIGtheme NET

Uganda oo jarmalka ugu baaqday inuu somaliya ka taageero dhismaha ciidamada

New yorka(Raascawad Media)_Madaxweynah dalka Uganda Yuweri Museveni ayaa dowlada jarmalka ka dalbaday in ay somaliya ka caawiso dhinaca dhismaha ciidamada si wax looga qabto ammaanka dalkaasi.

Mr Museveni oo magaalada New York ee dalka mareykanka kula kulmay wasiirka arimaha dibadda ee dalka Jarmalka ayaa xusay in xaalada ammaan ee somaliya ay hada ka soo hagaageyso isagoo intaa ku daray in loo baahanyahay in la xoojiyo taageerada la siiyo somaliya.

Madaxwenaha Uganda ayaa xusay in alshabaab ay weli somaliya ka wadaan weerarada ay ku qaadaan ciidamada dowlada federaalk ah ee somaliya iyo kuwa nabad ilaalinta midowga afrika ee AMISOM.

Wasiirka arimaha dibadda ee dalka Jarmalka Sigmar Gabriel ayaa sheegay in jarmalka iyo midowga yurub ay ka go,antahay in dalalka afrika ay kala shaqeeyaan dhinaca ammaanka.

Mr Gabriel ayaa xusay in dowladda Jarmalka ay mar walbo garab taagan tahay dowladda somaliya isagoo intaasi ku daray in dowladdiisa ay wado qorshe somaliya ay kaga fulineyso mashaariic kala duwan.

Madaxweynah dalka Uganda Yuweri Museveni ayaa maalmihii la soo dhaafay magaalada New York ee dalka mareykanka kulamo kula qaadanayey qaar ka mid ah dalalka reer galbeedka isagoo kala hadlayey sidii somaliya looga taageeri lahaa dhinaca amniga iyo dhismaha ciidamada

 

 

 

 

 

1,369 total views, 9 views today

Total Views: 1045 ,

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

ăn dặm kiểu NhậtResponsive WordPress Themenhà cấp 4 nông thônthời trang trẻ emgiày cao gótshop giày nữdownload wordpress pluginsmẫu biệt thự đẹpepichouseáo sơ mi nữhouse beautiful