Templates by BIGtheme NET

Maamulka Puntland oo galmudug ku eedeey inuu jebiyey heshiiskii Gaalkacyo

Gaalkacay(Raascawad Media)_Maamulka gobalka Mudug ee Puntland ayaa dowlad goboleedka Galmudug si weyn ugu eedeeyay inuu jebiyey heshiiskii labada dhinaca ay ka gaareen colaadii magaalada Gaalkacyo

Gudoomiyaha gobalka Mudug ee maamulka Puntland Xasan Maxamed Xuseen ayaa sheegay in shalay deegaanka Godod lagu dilay saddex ruux oo shacab ahaa ka soo jeeday Puntland,isagoo weerarkaasi ku eedeeyay maamulka Galmudug

Waxaana uu sheegay in weerarkaas iyo kuwo ka horeeyay ay ka danbeeyeen maleeshiyaad ka soo jeeda maamulka Galmudug, kuwaas oo uu tilmaamay in duulaano dhowr ah ay ku qaadeen dad shacab ah oo ku sugnaa bariga Gobolka Mudug.

Sidoo kale guddoomiyaha Gobolka Mudug ee Puntland ayaa ku eedeeyay Galmudug in ay dhibaato iyo xiisado colaaddeed ay ka wadaan deegaanno ka tirsan Gobolkaasi Mudug.

Waxaana uu shaaca ka qaaday in madaxda Galmudug ay jabiyeen heshiisyadii Nabadda ee dhawaan lagu kala saxiixday Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug.

 

 

954 total views, 9 views today

Total Views: 855 ,

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

ăn dặm kiểu NhậtResponsive WordPress Themenhà cấp 4 nông thônthời trang trẻ emgiày cao gótshop giày nữdownload wordpress pluginsmẫu biệt thự đẹpepichouseáo sơ mi nữhouse beautiful