Templates by BIGtheme NET

Boqolaal qaxooti somalia ah oo lagu xiray dalka yemen.

Sanca(Raascawad Media)_Qaxooti badan oo Somali ah ayaa lagu xiray gudaha dalka yemen iyadoo qaxootigaasi laga qabtay gobalka Xadarmuud sida ay sheegeen saraakiil ka tirsan booliiska dalkaasi.

Warbixin ka soo baxday booliiska dalkaasi yemen ayaa lagu sheegay in ay gacanta ku dhigeen ilaa 200 oo ah qaxooti Somali ah kuwaasoo ay ku sheegeen in aysan diiwan gashneyn.

Qaxootigaasi somalida ah ee la xiray oo isagu jira dumar iyo caruur ayey booliiska sheegeen in xilligii la qabanayey ay ku sii jeedeen degmada Brom Mayfa ee dalkaasi.

Saraakiil ka tirsan booliiska dalka yemen ayaa sheegay in qaxootiga somalida ah ee ay qabteen loo diray xero qaxooti oo ku taala gobalka Shabwa halkaasoo lageeyo muhaajiriinta ka soo jeed afrika.

Bishii la soo dhaafay ayaa waxaa laanta qaxootiga qaramada midoobay ee UNHCR ay sheegay in sanadkan 2017 ay tirada dadka qaxootiga ah ee soo gaaray yemen ay gaartay 30,000 oo ruux.

 

 

104 total views, 1 views today

Total Views: 74 ,

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

ăn dặm kiểu NhậtResponsive WordPress Themenhà cấp 4 nông thônthời trang trẻ emgiày cao gótshop giày nữdownload wordpress pluginsmẫu biệt thự đẹpepichouseáo sơ mi nữhouse beautiful