Templates by BIGtheme NET

Sirdoonka dalka Kenya oo sheegay in alshabaab ay halis ku yihiin ammaanka dalkaasi.

Nairobi(Raascawad Media)_Hay,ada sirdoonka dalka Kenya ayaa sheegtay in alshabaab ay khatar weyn ku tahay ammaanka iyo horumarka dalkaasi sida uu sheegay sarkaal ka tirsan hay,ada sirdoonka.

Agaasime ku xigeenka hay,adaha sirdoonka qaranka ee dalka kenya Alexander Muteshi ayaa sheegtay in magaalooyinka ugu halista badan ee dhinaca amniga ay yihiin Garrisa,Mandera,Wajir iyo Lamu oo badankood ku dhaw xadka Kenya ay la wadaagto somaliya.

Mr Muteshi ayaa xusay in alshabaab oo ka dagaalanta somaliya iyo urur kale oo uu ka mid tahay Daacish ay khatarta ugu badan ku hayaan amaanka isagoo xusay in haddii aan wax laga qabin ay xaalada sidan ka sii xumaan karto.

“waxa halista ammaan daro keenaya ayaa waxaa ay tahay in alshabaab ay inta badan bartilmaameedsadaan kaniisadaha,dugsiyada waxbarasho iyo goobaha ay dad rayidka isagu yimaadaan”sidaasi waxaa yiri agaasime ku xigeenka sirdoonka Kenya oo la kulmay qaar ka mid mudanayaasha baarlamaanka dalka Kenya.

Saraakiil ka tirsan dhinaca amniga ee dalka Kenya ayaa hore u sheegay in ay sii sii wadi qorshaha ay ka hortagayaan dagaalyahano ka tirsan alshabaab oo inta badan weeraro qasaare gaysta ku fuliya qaar ka mid ah magaalooyinka ku dhaw xadka soomaaliya.

Kumanaan shacab Kenyan ah oo ku dhaqan gobalka xeebta ayaa waxaa soo wajahay cabsi xoogan kadib markii alshabaab ay deegaanadaasi ku qaadeen weeraro is xiga xiga bilihii la soo dhaafay

 

.

 

217 total views, 1 views today

Total Views: 154 ,

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

ăn dặm kiểu NhậtResponsive WordPress Themenhà cấp 4 nông thônthời trang trẻ emgiày cao gótshop giày nữdownload wordpress pluginsmẫu biệt thự đẹpepichouseáo sơ mi nữhouse beautiful