Templates by BIGtheme NET

Gudoomiyaha gobalka Hiiraan oo xilkii laga qaaday

Jowhar(Raascawad Media)_Madaxweynaha cusub ee dowlad goboleedka Hirshabeele Maxamed Cabdi Waare ayaa xilkii ka qaaday gudoomihi gobalka Hiiraan Cumar Aadan Ibraahim isla markaana u magaacabay mas,uul cusub.

Xil ka qaadista guddoomiyaha Gobolka Hiiraan ayaa ah talaabadii ugu horeysay ee Madaxweynaha, waxaana uu Xilkaasi u magacaabay guddoomiyihii hore ee Gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan oo uu hore xilkan ugu magacaabay Madaxweynihii hore ee Hirshabelle Cali Cabdulaahi Cosoble, balse sagaal bilood kadib xilka ka qaaday.

Magacaabista Cali Jeyte ayaa noqonaysa mid la mid ah wadadii uu hore u maray Madaxweynihii kalsoonida lagala noqday Cali Cabdulaahi Cosoble oo wareegtadii ugu horeysay ku magacaabay Cali Jeyte Cismaan xilkana uga qaaday Yuusuf Axmed Hagar 26kii bishii Oktoobar 2016,wareegtada ugu horeysa oo uu soo saaray Madaxweyne Waare ayaa noqotay magacaabista Cali Jeyte Cismaan.

 

1,008 total views, 9 views today

Total Views: 837 ,

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

ăn dặm kiểu NhậtResponsive WordPress Themenhà cấp 4 nông thônthời trang trẻ emgiày cao gótshop giày nữdownload wordpress pluginsmẫu biệt thự đẹpepichouseáo sơ mi nữhouse beautiful