Templates by BIGtheme NET

Uganda oo dowladda ingiriiska ugu baaqay in qayb ka noqoto dagaalka ka dhan ka ah alshabaab

New York(Raascawad Media)_Madaxweynaha dalka Uganda Yuweri Museveni ayaa dowlada ingiriiska ka codsaday in ay ku soo biirto dagaalka xoogan ee lagu jiro xarakada alshabaab ee ka dagaanta somaliya.

Mar yuweri Museveni ayaa hadalkaasi sheegay kadib kulan uu magaalada new York ee dalka mareykanka kula qaatay xoghayaha arimaha dibadda ee dalka ingiriiska Boris Johnson.

Madaxweynaha ayaa sheegay in alshabaab ay halis weyn ku tahay ammaanka somaliya iyo qaar ka mid ah dalalka gobalka,isagoo xusay in loo baahan in si wadajir la isaga kaashado dagaalka lagu jiro.

Sidoo kale ayaa waxaa museveni uu ku baaqay in ciidamada nabad ilaalinta midowga afrika laga taageero dhinaca agabka si loo dardar gelyo howl galka ay ka wadaan somaliya.

Uganda ayaa ah dalkii ugu horeeyay ee ciidamo ka socda midowga afrika geeya somaliya sanadkii 2007

Qaramada midoobay ayaa dhawaan ku baaqday in taageero dhaqaale la siiyo ciidamada AMISOM si loo xoojiyo ammaanka somaliya

 

 

 

 

819 total views, 9 views today

Total Views: 738 ,

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

ăn dặm kiểu NhậtResponsive WordPress Themenhà cấp 4 nông thônthời trang trẻ emgiày cao gótshop giày nữdownload wordpress pluginsmẫu biệt thự đẹpepichouseáo sơ mi nữhouse beautiful