Templates by BIGtheme NET

Uganda iyo mareykanka oo ka wada hadlay howl galka AMISOM ee somaliya

New yorka(Raascawad Media)_Dowladaha mareykanka iyo uganda ayaa ka wada hadlay xaaladaha howl ciidamada nabad ilaalinta midowga afrika ee ku sugan somaliya iyo sidii loo xoojin lahaa dagaalka ka dhanka ah alshabaab

Madaxweynaha dalka Uganda, Yoweri Museveni ayaa arrimaha Soomaaliya waxuu kala hadlay Safiirka Mareykanka u fadhisa xarunta Qaramada Midoobay, Nikki Haley.

Madaxweyne Museveni ayaa si kooban warbixin uga siiyay Danjire Haley xaalada Soomaaliya iyo howgallada ka dhanka ah Al Shabaab.

Dhinaca kale, Safiirka Mareykanka u fadhisa xarunta Qaramada Midoobay, Nikki Haley ayaa soo dhaweysay doorka Ciidamada Uganda ay ku leeyihiin howlgalka AMISOM ee ka socda Soomaaliya.

Waxaa ay sheegtay in Mareykanka uu sii wadayo taageerida Dowladda Uganda, maadaama bey tiri Dowladda Uganda ay sidoo kale xil iska saartay arimaha ku saabsan Qaxootiga.

Danjiraha Mareykanka ayaa ugu dambeyn shaacisay in Mareykanka uu qiimeyn ku sameyn doono dadaalada Dowladda Uganda ay ka wado gudaha Soomaaliya.

1,440 total views, 9 views today

Total Views: 1251 ,

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

ăn dặm kiểu NhậtResponsive WordPress Themenhà cấp 4 nông thônthời trang trẻ emgiày cao gótshop giày nữdownload wordpress pluginsmẫu biệt thự đẹpepichouseáo sơ mi nữhouse beautiful