Templates by BIGtheme NET

Ciidamada Kenya oo dab qabadsiiyey dhismaha shirkad isgaarsiin oo ku taala koofurta somaliya.

Gedo(Raascawad Media)_Ciidamada malateriga ee dalka Kenya ayaa dab qabad siiyey dhismaha shirad isgaarsiineed oo ku taala gobalka Gedo ee koonfurta somaliya sida ay sheegeen dad halkaasi ku sugnaa.

Dad goobjoogayaal ah ayaa xaqiijiyey in ciidamada Kenya ay gubeen xafiiska shirkada isgaarsiinta hormuud oo ku taala tuulada Khadiijo Xaaji oo ku dhaw xadka dalka Kenya.

Shaqaalaha shirkada isgaarsiinta ee Hormuud ee sugnaa xaruntooda Khadiijo Xaaji ayaa goobtaasi ka baxsaday ka hor inta aysan halkaasi soo gaarin ciidamada malateriga ee dalka Kenya.

Lama oga sababaha rasmiga ah ee ciidamada dalka Kenya ay dabka u qabadsiiyeen dhismaha xarunta shirkada isgaarsiinta ee Hormuud.

Dagaalyahano ka tirsan xarakada alshabaab ayaa marmar badan dab qabsiiyey xarumo shirkada isgaarsiinta ee Safaricom ay ku leedahay deegaano ka tirsan magaalada Mandera ee gobalka waqooyi bari

 

261 total views, 1 views today

Total Views: 126 ,

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

ăn dặm kiểu NhậtResponsive WordPress Themenhà cấp 4 nông thônthời trang trẻ emgiày cao gótshop giày nữdownload wordpress pluginsmẫu biệt thự đẹpepichouseáo sơ mi nữhouse beautiful