Templates by BIGtheme NET

Booliiska AMISOM oo ciidamada booliiska somaliya ugu deeqay agabyo kala duwan.

Muqdisho(Raascawad Media)_Ciidamada booliiska ee ka socda dalalka midowga afrika ee ka howl gala somaliay ayaa agabyo kala duwan ugu deeqaay ciidamada booliiska ee somaliya sida ay sheegtay taliye ku xigeenka booliiska AMISOM Christine Alalo.

agabkaasi deeqda ah oo u badnaa qalab xafiiseedyo ayaa waxaa ay ahayd deeq ka timid dowladda Dernmark oo uu soo mariyey ciidamada booliiska ee AMISOM.

“ujeedka aan u joogno somaliya ayaa waxaa uu yahay in aan dhisno awooda ciidamada booliiska somaliya si ay u gutaan waajibaadka saaran ee sugidaa amniga dalka”sidaasi waxaa tiri Ms Christine Alalo,

Taliye ku xigeenka booliiska ee AMISOM ayaa intaasi ku dartay in ciidamada booliiska somaliya ay ka caawiyaan dhinacyada tababarada,sharciyada iyo waliba roondooyin ay si wadajir xilliyadii habeenki ugu sameeyaan qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho.

Taliyaha ciidamada booliiska ee gobalka Banadir General Axmed Xasan Maalin oo la gudoonsiiyey deeqdaasi ay si weyn ugu mahad celiyey booliiska AMISOM oo uu sheegay in door weyn ay ku leeyihiin tayeynta ciidamada booliiska somaliya.

Saraakiisha ciidamada booliiska ee AMISOM ayaa xusay in ay sii wadi doonaan taageerada ay siiyaan booliiska somaliya.

 

1,323 total views, 9 views today

Total Views: 1116 ,

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

ăn dặm kiểu NhậtResponsive WordPress Themenhà cấp 4 nông thônthời trang trẻ emgiày cao gótshop giày nữdownload wordpress pluginsmẫu biệt thự đẹpepichouseáo sơ mi nữhouse beautiful