Templates by BIGtheme NET

Wafdi uu hogaaminayo ra,iisul wasaaraha Somaliya oo uu ambabaxay dalka mareykanka

Muqdisho(Raascawad Media)_Wafdi balaaran oo u hor kacayo ra,iisul wasaaraha dowladda federaalka ah ee Somaliya Xasan Cali Qayre ayaa ka dhoofay garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho iyagoo ka qayb galay kulanka golaha guud ee loo dhanyahay ee qaramada midoobay

Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa safarkiisa waxaa ku wehliya xubno ka tirsan Labad Gole ee dowladda Federaalka Soomaaliya kuwaas oo maanta si rasmi ah uga ambabaxay Garoonka Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho.

Dhawaan ayaa lagu wadaa in Magaalada New-York ay uga qeyb galaan wafdiga Ra’iisul Wasaaraha Shirka Golaha Guud ee Qaramada Midoobay.

Waxaana ka horreeyay wafdi horu dhac u ah Safarkooda kuwaas oo iyaguna uu hoggaaminayay Wasiirka Arrimaha Dibadda Somalia Yuusuf Garaad Cumar.

Shirkaan ayaa la filayay in uu ka qeyb galo Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo , hase ahaatee waa uu ka baaqday sababo aan la shaacin , sidaas daraadeed waxaa bedelkiisa ka qeyb galaya Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre.

 

1,251 total views, 9 views today

Total Views: 954 ,

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

ăn dặm kiểu NhậtResponsive WordPress Themenhà cấp 4 nông thônthời trang trẻ emgiày cao gótshop giày nữdownload wordpress pluginsmẫu biệt thự đẹpepichouseáo sơ mi nữhouse beautiful