Templates by BIGtheme NET

Qaramada midoobay oo ka walaacsan saameynta abaaraha ee geeska afrika

Rome(Raascawad Media)_Qaramada midoobay ayaa si weyn ugu walaacsan xaaladaha nololeed ee milaayiin ruux oo ku nool dalal ku yaala bariga afrika oo ay ka mid tahay somaliya sida ay sheegeen saraakiil ka tirsan qaramada midoobay.

Warbixin ay soo saartay qaramada midoobay ayaa lagu sheegay in 17 milyan oo ruux oo ku nool dalal ay ka mid yihiin Kenya somaliya iyo Itoobiya ay xilligan si daran usoo food saartay macluul xoogan oo ka dhalatay abaaro isdaba joog ah oo ku dhuftay dalalkaasi.

Ururka beeraha iyo cuntada qaramada midoobay ee FAO ayaa sheegay in xaalada hadda u muuqato mid ka sii xumaaneysa iyadoo intaasi ku dartay in dadka ku dhaqan dalalkaasi ay u baahan yihiin gaar dheeraad ah

Maria Helena oo ah ku xigeenka madaxa hay,ada FAO ayaa xustay in si weyn  uu hoos ugu dhacay heerka tacabka beeraha taasoo ka dhalatay roobabkii xilliyada dayrta iyo gu,ga oo si wanaagsan aan ugu di,in dalalkaasi.

Hay,ada FAO ayaa meelaha ugu daran ee macluusha ay ka jirto ku sheegtay somaliya oo ay tilmaantay in haddii aan taageero gargaar oo deg deg ah aan la gaarsiin ay xaalada sidan ka sii xumaan doonto.

Qaramada midoobay ayaa warbixin ay dhawaan soo saartay ku sheegtay in ay wado dadaal xoogan oo lagu gargaarayo dadka ay ku dhufteen abaaraha ee nool somaliya

 

185 total views, 1 views today

Total Views: 157 ,

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

ăn dặm kiểu NhậtResponsive WordPress Themenhà cấp 4 nông thônthời trang trẻ emgiày cao gótshop giày nữdownload wordpress pluginsmẫu biệt thự đẹpepichouseáo sơ mi nữhouse beautiful