Templates by BIGtheme NET

Madaxda maamulada Oromada iyo somalida oo ku baaqay in ay joojinayaan colaadaha dalkaasi.

Addis ababs(Raascawad Media)_Madaxweynayaasha maamulada oromada iyo somalida ee dalka Itoobiya ayaa ku dhawaaqay in ay si wadajir ah isaga kaashanayaan soo afjarida colaadaha iyo dagaalada dalkaasi ku dhex maray qowmiyada oromada iyo somalida.

Shir jaraa,id oo labada mas,uul ay ku qabteen magaalada Adiss ababa ee dalka Itoobiya ayey ku sheegeen in ay dadaal dheeraad ah ku bixin doonaan daminta colaada iyo waliba dib u soo celinta kumanaanka ruux ee ku barakacday dagaalada dhawaan halkaasi ka dhacay.

Madaxweynaha dowlad deegaanka somalida Itoobiya Cabdi Maxamed Cumar ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay dagaalka dhex maray labada qowmiyadooda ee oromada iyo somalida isagoo intaa ku daray inuusan ahayn dhaqan ee hore u lahaayeen labada qowmiyadooda.

Sidoo kale madaxweynaha maamulka oromiya ee dalka Itoobiya lemma megersa ayaa si kulul u cambaareeyay dagaalka dhex maray somalida iyo oromada isagoo intaasi ku daray in lala xisaabtami doono shaqsiyaadkii ka dambeeyay hurinta colaada ee labada dhinaca.

Labada madaxweyne ayaa ugu dambeyntii si wadajir ah ugu tacsiiyey dadkii ku geeriyooday dagaaladii dhawaan ka dhacay dalkaasi itoobiya.

Dowlada federaalka ah ee Itoobiya ayaa dhawaan sheegtay in dadka badan 50,000 oo ruux ay ku barakaceen colaadi ka dhacay gudaha dalkaasi sidoo kalena ay ku dhinteen dadka badan 50 ruux

 

 

 

257 total views, 1 views today

Total Views: 182 ,

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

ăn dặm kiểu NhậtResponsive WordPress Themenhà cấp 4 nông thônthời trang trẻ emgiày cao gótshop giày nữdownload wordpress pluginsmẫu biệt thự đẹpepichouseáo sơ mi nữhouse beautiful